Madaxweyne Shariif Xasan oo gaaray degmada Waajid

2612

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheakh Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Waajid ee gobolka Bakool, halkaasi oo mudooyinkii ugu dambeyey ay ka jireen xaalado abaartu ay kamid tahay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa degmada Waajid kusoo dhaweeyey maamulka degmada, saraakiisha ciidanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyagoo intaasi kadibna kulamo la qaatay dhinacyadaasi.

Shariif Xasan Sheakh Aadan madaxweynaha K/Galbeed Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 25-kun oo doolar oo loogu talo galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ku wareejiyey maamulka degmada, iyadoo lacagtaasina wax loogu qaban doono qoysaska ay abaartu saameysay ee ku nool degmada Waajid.

Mar uu bulshada kula hadlay Waajib waxa uu u sheegay madaxweynuhu in maamulkiisu uu si gaar ah ula socon doono xaaladaha ay ku nool yihiin reer Waajid islamarkaana ay sii wadi doonaan taageerada si loo yareeyo saameynta abaaraha dadkaasi ay ku heyso.

Xigasho SONNA

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here