Madaxweyne Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeele

0
1103

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegay in xalay madaxweynaha maamulka Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare uu la kulmay xildhibaanada baarlamaanka.

Ujeedka kulankaasi oo ahaa mid wadatashi ah ayaa la xiriiray sidii aragti midaysan looga qaadan lahaa ansixinta Golaha Wasiirada uu dhawaan uu soo magacaabay madaxweyne Waare.

Wariyaheen Abuukar Maxamed Bacaadle ayaa soo sheegay in kulankii wadatashiga ah xalay looga hadlayay sidii xildhibaanada ay codkoodi kalsoonida ah u siin lahaayeen Goalaha Wasiirada Cusub.

Waxaa lagu wadaa in maanta uu qabsoomo kulankii shalay dib u dhaca ku yimid eek u aadaan in lagu ansixiyo Golahaasi Wasiirada,oo in mudo ah dadaalkoodi uu socday.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here