Madaxweyne Xaaf oo kulan la qaatay Bulshada Gaalkacyo ee Galmudug

0
1141

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf  oo socdaal ku maraya deegaanada hoos yimaada  Maamulka Galmudug si uu ugu kuur gaalo Xaaladaha ka jira Deegaanada Galmudug sida Amniga,Ganacsiga iyo mida nolaleed ayaa kulamo kala duwan la qaatay qeybaha Bulshada ee Gaalkacyo gaar ahaan dhanka koonfureed.

Madaxweyne Xaaf iyo wafdi uu hugaaminaayo ee ka socday Maamulkiisa ayaa u tagay Magaalada Gaalkacyo ee Xaruunta Gobolka Mudug sidii Xal waara loogu heli lahaa Isku dhacyada inta badan dhex  mara dadka Reer miyiga ah oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Axmed Ducaale Geele Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Maamulkiisa ay ka go,an tahay Horumarinta iyo dibu dhiska Deegaanada Galmudug sheegayna inuu diirada saari doono wada shaqeynta Puntland iyo Galmudug.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here