Madaxweyne Xasan” dhowaan waxaa la soo dhisi doonaa xukuumad loo dhan yahay”

1
2522

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay soo dhaweryntii Madaxweyne Erdogan maalintii shalay loogu sameeyay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Muqdisho ugu mahadceliyay sida ay ugu dul qaateen culesyadii jiray mudadii booqashada Madaxweyne Erdogan iyo wefdigiisa ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada nabadgeliyada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM sida ay u sugeen amaanka magaalada Muqdisho mudadii ay martida joogtay dalka,isagoo faray in ay sii laba laabaan dadaalada lagu xaqiijinaayo amaanka dalka,Madaxweynuhu waxaa uu Ciidamada ku amaanay sida ay ugu hortagayaan falalka guracan ee ay markasta qorsheynayaan kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab.

“Aniga Madaxweynaha Turkiga arrimaha aan ka wada hadalnay waxaa ku jira in la sameeyo guddiyo ka shaqeeya hirgelinta heshiisyada la wada saxiixday, waxaan sidoo kale isla soo qaadnay in Turkiga uu ka caawiyo Soomaaliya dhismaha dowladnimada” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id ku sheegay in dhowaan heshiisyo kale oo cusub ay labada dhinac wada saxiixi doonaan isla markaana labada dalka ay ka wada shaqeyn doonaan masaalixda iyo danaha labada dowladood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in booqashadii Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan uu shalay ku yimid dalka ay wax badan kaga duwan tahay tii sanadkii 2011-ka taas oo ay sabab u tahay dalka uusan maanta joogin meeshii sanadkaas uu joogay,isagoo intaa ku daray in Madaxweyne Erdogan uu ku farxay isbedelka wadanka uu sameeyay mudadaas kooban.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id waxaa uu ku sheegay in dhowaan la soo dhisi doono xukuumad cusub oo ay ku wada jiraan dhamaan dhinacyada Soomaalida.

“Xukuumad ayaa la soo dhisi doonaa dadka oo dhan ma wada heli doonaan waxaan codsanayaa in dhamaanteena aan la shaqeyno xukuumada si dalka looga dhaqaajiyo meesha uu hadda taagan yahay isla markaana looga faa’ideysto waqtiga” ayuu sheegay Xasan Sheekh Maxamauud Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay dhamaan siyaasiyiinta iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isu tanaazul iyo is cafin si loo gaaro dan aan wada leenahay oo ah dowladnimo taam ah.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. marka hore waxaa mahad leh illaahey noo suurto geliyay in soo dhaweyntii madaxweyne ordugaan iyo wafdigiisa qadarinta mudan ay ku dhamaatay si nabad iyo waliba sharafi ku jirto.
    mahada illaaheey ka dib waxaan salaan sharafleh u direynaa madaxweynaheena oo dadaal badan geliyay soo dhaweynta walaalaheena turkiyo.
    waxaan kaloo salaan sharaf iyo qadarin leh u diraynaa ciidamadeena geesinimada iyo wadaninimada illaahey ku deeqay ee gaashaanka u ahaa soo dhaweynta wafdigaas qaaliga ku ah ummada soomaaliyeed.

    waxaan illaaheey ka baryayaa in ummadeenu israacdo noqotana mid garata in wada jirkeedu yahay quwadeeda, waxaan kaloo illaaheey ka baryayaa in xukuumada soo socoto ay noqoto mid waxtar leh shacabkeenuna ku farxo.
    waxaan kaloo illaaheey ka baryayaa in xildhibaanada aw ka caafiyo khilaafaadka iyo fadhiidnimada ay qabaan fadhiid soomaalidu waxeey tiraahdaa ilmaha aan dhaqso socon marka baarlabaan waxaa lagu yaqaanaa inoow u taagnaado wax u qabadka shacabkiisa
    laakiin in maalin kasta lays qabqabsado madaxweynaha mashaakil lagu furo dowladi istaagtaba la rido taasi waa shacab dumin ee ma aha shacab dhisid baarlabaana waxoow magaciisu yahay golihii shacabka.

    waxaan leeyahay baarlabaanka shacabkeenu ma arko waxtarkiina .
    miyeydaan arkayn dhalinyarada badaha ku le,enaayo maalinkasta?
    miyeydaan arkayn dhiiga soomaaliyeed ee maalinkasto koofur afriko lagu xasuuqaayo iyo dhalinyarada xoolahooda la boobaayo?
    miyeydaan arkayn shacabkeena caalamka kala daadsan haba ugu daraadeen kuwa joogo wadanka yame oon ay labaatan sano ka dib korkiisa ku diriraayaan dadkii wadanka lahaa meeley u ciirsadaana aan ogeyn?
    miyeydaan arkayn ooyinta hooyooyinka soomaaliyeed ee ilmahoodi looga qaatay wadamadii reer galbeedka ee ay magan galeen?
    miyeydaan arkayn qaxootiga ku dayacan xeryaha dhadhaab kenya ee maalinkasto ay ka nixinayso isqabqabsigiina?
    miyeydaanse arkayn barakacyaasha magaalada muqdisho hareeraheeda cooshashka dhaxantu ku laynayso ?

    xildhibaano shacabkaanu waa daalay waxoowna rabaa dowlad dhulka ka qaado waxaadna tihiin golashii watay magaca shacabka,
    waxaana maanta halkaan ka sheegayaa in aan shacabka soomaaliyeed badankiis awsan ka ashtakooneyn madaxweynaha iyo ra,iisulwasaaraha iyo wasiiradiisa laakiin aw maanta miraayada ka arkay wax tarla,aantiina oo waliba dareensanyahay inaad dowlada lugaha ka jareysiin, laakiin shacabka soomaaliyeed weli waa idin qadarinayaa ee dib u xisaabtama waajibkiinana ka soo baxa, hadii kale taariikhdu wax bey qortaaye dib u fiiriya halkoow maray baarlabaanki lixdameeyihi?

    waxaan illaaheey ka baryayaa soomaali oon qabyaaladi oolin.
    soomaali oon qaxooti jirin.
    soomaali wadankeedi ku soo wada noqota.
    soomaali walaaloowda inta u dhaxeyso saylac iyo raaskambooni.
    soomaali oon ciidamo shisheeye joogin ciidamadeeduna ku filnaadaan.
    soomaali oo wadankeeda umadaha lagu heshiisiiyo caalamkana iyadu deeqo geyso .
    soomaali diinta kor laga dhigo magaceeduna yahay ahlu diin ahlu cadli.
    soomaali isku filnaato caalamkuna usoo shaqo tago.

    illaahay taasi waa u fududahay waxaanse illaahey waydiisanayaa in oow shacabkeena towfiiqda waafajiyo isna raaciyo.

    waxaanan ka daalayn in aan illaahey waydiisto inoow ducadeyda ajiibo, illaaheyna waa raxiim. wabillaahi towfiiq.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here