Madaxweyne Xasan iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole ee dowladda iyo marti sharaf kale ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay iminka ka socoto xaflad lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam.

Sidoo kale xafladda waxaa ka qeyb galay Madax ka socota dalalka Ethiopia iyo Kenya, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Ka, Madax ka tirsan Maamul goboleedyada dalka ka jira iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta loo caleemo saaraya xilka uu ku guuleystay markale, kaddib markii baarlamaanka Maamulkaasi ay codka siiyeen.

Madaxda ka qeybgashay xaflada ayaa lagu wadaa inay khudbado kala duwan ka jeediyaan munaasabadda oo ay kaga hadlayaan Axmed Madoobe.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here