Hay’adda U dooda Xuquuqda Aadanaha Oo eedeen u jeedisay Iiran

Amnesty International  oo ah hay’ad u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa soosaartay eedaymo ay u jeedinayso Dowladda Iran taas oo ah in ay meel marisay xeerar xukunno dil ah lagu marsiinayo dhallinyarada da’dooda ay ka yartahay 18 sano.

hay’adda ayaa sheegtay in dhallinyaro Iiran u dhashy ay sugayaan in la marsiiyo xukunno dil ah kuwaas oo galay dambiyo da’dooduna ay ka yartahay  18 sano.
Da’yartan ayaa la mariyey xeer sheegaya in gabdhaha  jira sagaalka sano iyo wiilasha jira 15 sano xukun dil ah lagu fulin karo.

Xukuumdda Tehran ayay hy’addu ku eedeysay wax ay ugu yeertay dan-ka galid la.aan laga xishoon xuquuqda carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here