Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la-tashiyo ah ka wada magaaladda Beledweyn”Sawirro”

1
1544

Beledweyn. 22 December 2015- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa habeenkii labaad ku hoyanaya magaaladda Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiran ayaa kulamo la-tashiyo ah la qaadanaya odayaasha dhaqanka beelaha dega Gobolka, Siyasiyiinta iyo ururada bulshadda rayidka ah.

Kulamadaan la-tashiyada ah ee uu sida gaar gaarka ah madaxweynuhu iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay la qaadanayaan odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiran, Siyasiyiinta iyo bulshadda rayidka oo bilaawday saaka aroortii ayaa wali socda iyada oo ay guulo ku soo dhamaadeen kulamada dhacay.

La-tashiyadaan madaxweynaha uu ka wado magaaladda Beledweyn ayaa ah sidii dhamman beelaha dega gobolladda Hiiran iyo Shabellaha Dhexe uga qeyb qaadan lahaayeen maamulka ay dhisanayaan labada gobolka iyo in aysan gobolka Hiiran dib uga dhicin dagaalo sokeeye.

Shirka maamul dhisidda gobolladda Hiiran iyo iyo Shabelaha Dhexe ayaa todobaadka soo socda ka furmi doona magaaladda.

7 66 5 4 3 2 1

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Masha Allah – Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed allow ku dhowr oo cimri dheer & cfimaad suuban oo aad ugu adeegto shacabka Soomaaliyeed ku sii.. aamiin yaa rabi..

    Waxaan umadda soomaaliyeed meelkastoo ay joogaan Gudaha & Dibadda-ba u soo jeedin lahaa.. in doorashadda soo socoto ee dhici doonto sanadka 2016-ka, mar kale la doorto mudane xassan sheikh maxamuud.
    Dalkeena muddo yar ayuuu ku hormari Lahaa..haddi la doorto dadka Ahlu xalka & wal caqliga ah.

    Waad mahadsan tihiin

    Guul & gobanimo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here