Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado in uu furo kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka “Dhageyso”

1198

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu si rasmi ah u furo kaldhiga lixaad ee baarlamaanka, iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay horyaalaan ajandayaal muhiim u ah hiigsiga sanadka 2016-ka.

Xildhibaan Cabdilladiif Nuur Muuse oo ka tirsan Mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu si rasmi ah u furayo kalfadhiga lixaad ee baarlamaanka.

“Waxaa ugu muhiimsan oo horyaalla sharciyadii doorashooyinka, kuwa axsaabta, la dagaallanka argagixisada iyo kuwa kale, waxaana kalfadhigan uu noqonayaa kan ugu shaqada badan, maadaama baarlamaanka ay horyaallaan ajandayaal muhiim ah” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladhiif.

Dhageyso codka Xildhibaanka

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here