Madaxweyne Xasan Sheekh oo xusay in ciidanka XDS la mideyn doono meelkasta oo ay joogaan

1311

Madaxweynaha Jamhuuriydda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in la magacaabay guddi heer Qaran oo ka shaqeyn doona sidii loo mideynlahaa ciidanka xooga dalka Somoaaliyeed  iyo daryeelkooda xili maalinimadii shalay ay ku beegneed Xuska maalintii la aas aasay ciidanka Xoogga Dalka ee 12ka April’.

Madaxweyne Xasan oo shalay khudbad uu kaga hadlayay xuska 55 guurada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa xusay in guddigan ay u istaagi doonaan sidii loo mideyn lahaa ciidanka Xoogga dalka, isla markaana ay u noqdaan kuwa

“Ciidanka Xoogga dalka waa ciidan Qaran, deegaankasta ha joogeen waxa ay hoos imaanayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka guddigan howlaha ay qabanayaan ayaa ah mideynta ciidanka xoogga dalka,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray: “Wax badan way inoo qabsoomeen dhanka dib u dhiska ciidammadeena, laakiin wax badan ayaa qabyo inaga ah. Ciidankeenu weli waa curdan, ma haystaan agab iyo tababbaro ku filan, waxaadna la socotaan inaan inagoo dagaal ku jirno aan ku guda jirno dhismaha ciidammada. Waxaan idin caddeynayaa in muhimadda koowaad ee dowladda ay tahay dhismaha, tayeynta iyo daryeelka ciidammada Qaranka,”

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. wadaxweyne xasan shiikh waan kuu duceynay hadaan nahay shicibka soomaaliyeed aad ayaan ugu faraxsanahay nabada aad ka wadid maamulgobaleedyada cusub waana ognahay in aadan qabyaalada ku dhaqmin kana ilaali wadanka caada qaatayaasha isku magacaabay pontland, waa kuwa ugu xun soomaali sababtoo ah waxay sheegteen carab waana la soodiiday, iayagoo ah african oo qiimo ka leh aduunka ayeey carab oo aduunka troriste ah ayeey sheegteen , waxayne ageyn in qofka madow uu qiimo ka leeyahay aduunka oo la jecelyahay yurub iyo noort americo. arab midab malahan oo waxaa la yiraa gepsy oo ah qashin adoomo ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here