Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi oo geeriyooday

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Geerida Marxuum Cali Mahdi ayaa waxaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay ee KMG ah burburkii kadib, waxaana uu sidoo kale ahaa ganacsade.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here