Madaxweynihii hore ee Turkiga oo ku geeriyooday da’da 97 sano

1410

Madaxweynihii hore ee dalka Turkiga Janaraal  Kenan Evren ayaa ku geeriyooday Cisbitaalka ku yaala magaalada caasimadda ah ee  Ankara isagoo da’diisu aheyd 97 sano jir.

Janaraal Evren ayaa xanuunsanayay tan iyo sanadkii 2012-ka taas oo suurtagal ka dhigi weyday in  maxkamadda ka soo hor muuqdo.

12 September sanadii 1980 ayaa  General Evren waxaa uu sameeyay afgembi uu talada dalka Turkiga uu kala wareegay xukuumaddii xilligaa jirtay isagoo xukunka hayay ilaa  sanadkii  1989-kii.

Sanadkii 2014-ka ayaa xabsi cimrigaa ha ku furto ah lagu xukumay ka dib markii lagu eedeyay in dalka Turkiga ay ka dhigeen dalka u nugul afgembiga iyo faragelinta militiriga ay ku sameyn karaan xukunka wadanka.

Ku dhowaad 600,000 oo dad ah ayaa xabsiyada lagu guray  halka 50 kale la daldalay waxaa sidoo kale la mamnuucay dhamaan asxaabta siyaasadda, waxaana si gaar ah loo bartilmaameedsaday dadka u dhaq dhaqaaqa xisbiyada garabka bidix.

Afgembigii ugu dambeeyay  aan dhiiga ku daadan ee dalka Turkiga ayaa calaamad u ahaa xukunka militiriga ee mudada dheeraa ee siyaasiyiinta Trukiga ay sameeyeen.

Janaraal  Evren ayaa la aaminsan yahay in talaabadiisa uu wadanka ku maamulay ay dalka ka baajisay fowdo iyo qas siyaasadeed oo u dhaxeeyay siyaasiyiinta kala afkaar duwanaa ee dalka ka jira xiligaasi.

” Ma xabsiyada ayaa ku quudinaa mudo sanado ah halkii aan daldali laheyd?” ayuu sheegay xilli uu khudbeynaayay sanadkii  1984, isagoo difaacaya go’aankii uu ku laayay siyaasiyiin iyo ololeeyiyaal.

Inkastoo ay jireen eedeymo dil iyo jir dil ah ayaa haddana waxaan suurtagal aheyd in madaxweynahan hore uusan wajahin maxkamadeyn.

Si kastana, qodobada ka hor istaagi lahaa eedeymaha oo ku jiray dastuurka dalka ayaa la laalay ka dib aftidii dalka laga sameeyay sanadka 2010-kii kaas oo uu qeyb ka ahaa Ra’iisul wasaarihii xilligaa  Recep Tayyip Erdogan isku daygiisa uu ku doonayay in xukunka dalka Turkiga laga saaro awooda ciidanka dalkaasi.

Janaraal  Evren shaqadiisii ugu horeysay ayaa isagoo sarkaal ah waxaa uu ka bilaabay akadeemiyadda militiriga dalkaasi,waxaana oo gaaray darajada Janaraal taas oo u suurtagelisay in uu noqodo taliyaha guud ee ciidanka Turkiga.

Intii lagu guda jiray afgembigii uu wadanka ku qabsaday sanadkii 1980 , waxaa jiray qalalaase siyaasadeed oo ku faaftay wadooyinka taas oo ay ku lug lahaayeen ololeeyiyaasha garabka midig iyo kan bidix intuba waxaana ay sheegeen in militirigu aanu waxba ka qaban dhibaatooyinka dalka ka jira.

Kadib afgembiga Baarlamaankii wadanka waxaa kala direy Janaraal Evren isagoo dalka ku maamuley gole lagu magacaabo golaha amaanka qaranka.

Golahan ayaa loo arkay in ay dejiyeen dastuur cusub oo dalka loo sameeyay kaas oo lagu meel mariyay afti la qaaday todobadii sano ee xukunkiisa madaxweynenimo.

Doorashooyin Baarlamaani ah ayaa dalka laga qabtay xilligiisa, waxaana sidoo kale Turkiga uu codsaday in uu ku biirto  bulshada dhaqaalaha ee midowga Yurub.

Intii lagu jiray howlgabkiisa waxaa lala xiriiriyay labo isku day afgembi taas oo ka dhigtay in xukuumadaha dalka ka jiray ay si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqiisa.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here