Madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo booqday Dhadhaab-Sawirro

1
3085

Maxaweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta noqday madaxweynihii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo booqda  xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab oo uu duhurnimadii maanta uu ka degay. Waxaa soo dhaweeyay waaiirka arrima gudaha Kenya iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Kenya,Wuxuu booqan doonaa goob caafimaad iyo dugsi waxbarasho, isagoo la kulmi doona hoggaamiyeyaasha dadka qaxootiga ah.

Waa markii ugu horeysay madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo xeryaha Dhadhaab mudadii ay jirtay, waxaana halkaas ku nool dad Soomaali ah oo aad u badan oo muddo rubuc qarni ka badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa waxaa xeryaha Dhadhaab ugu horeeyay wefdi isugu jira mas’uuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay kamid yihiin wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo wasiirka arimaha gudaha ee dalka Kenya.

madaxa

madx

13325664_1351095808239442_7825031432394614837_n 13346485_1351096118239411_9100621330356432116_n 13346526_1351096221572734_5859747145077513708_n 13394038_1351095928239430_1416545945344478562_n

13315579_1399194656773910_7484409010108924655_n 13321811_1399194756773900_5801626557112576556_n 13330951_1399194840107225_127229625504357196_n 13347008_1399194693440573_5601690025717201367_n

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in madaxweynaheenu booqdo dadka walaaalaheena ee muddada dheer ku noolaa wadanka kenyo oo aan badidood arag wadankeena qaasatan dhalinyarada oo badankood ku dhashay xeryaha qaxootigga.
    waxaan kaloo ku faraxsanahay in aaneey jiri doonin in si qasab ah loo soo celiyo dadkeena,waayoo ma jiro qof isku dhejinaayo wadan aanoow laheeyn laakiin dadka qaxootiga ahi waxeey xaq u leeyihiin in hadii wadankooda loo celinaayo si sharfan loo soo celiyo iyagoo og halka la geyn doono iyo in dowladoodu waxka qorsheyso sida lagu soo celinaayo.
    waxaan rajeynayaa in maraan dheereyn ay noo soo noqdaan walaalaheena rubuc qarniga ku noolaa xeryahaas,waxeeyna noqo doontaa maalmaha noogu farxada badan markaan aragno dadkeeni oo ku soo noqonaayo wadankeeni taas oo cadeynayso in wadankeeni cagta saaray dariiqa nabada iyo kasoo bogsashada dhaawicii gaaray muddada dhowrka iyo labaatanka sano ah.

    waa in shacabkeenu har iyo habeen u istaago la shaqeynta dowlada iyo ciidamada ku howlan soo celinta nabada iyo kala dambeynta si ummadeena ku kala firirsan caalamka ay ugu suuro gasho ineey ku soo noqdaan wadankooda.

    waa mahadsanyahay madaxweynuhu sida sharafta leh ee ow u booqday shacabkeena xeryahaas ku nool waayoo taasi waxeey u noqoneysaa niyad dhisid iyo ineey qabaan dowlad la socoto xaalkooda iyo rajo wanaagsan oo ay wadankoodi dib ugu noqdaan.

    LAMA HURAAN WAA COWSKA JIIRAAL.

    DHUL AADAN LAHEEYN DHULKUUMA NOQDO.

    HAYBAD WAXAAD KU LEEDAHAY DHULKAADA HOOYO.

    illaahayoow dhulkeena qaaliga ah nabad nooga dhig.
    illaahayoow shacabkeena ka caafi cudurka dilaaga ah(qabyaalad).

    illaahayoow na garansii in aan qabno dhul kan ugu qurxoon
    ugu qaalisan
    ugu khayraad badan.
    ugu hawo fiican.
    iyo inaan nahay ummad qabto hal diin,hal calan,hal luuqad, kuligoodna ah wiil iyo abtigiis.
    oo hadana ah shucab geesi ah oon illaah moogiye aan cidna ka cab san,

    laakiin aan qabno cudur hal ah oo intaas oo dhan afka ku shubtay.

    QABYAALAD.

    ILLAAHAYOOW NAGA CAAFI ADAA AWOODLEHE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here