Madaxwqeynaha Puntland oo maanta u ambabaxay dalka Ethiopia

0
1122

Madaxweynaha Dawlada goboleedka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta u dhoofay Dalka Ethopia gaar ahaan magaalada Adis-ababa.

Madaxwaynaha ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya  Wasirro iyo saraakil katirsan madaxtooyada  Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garoowe ku sagootiyey madaxwayne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiiro, Xildhibaano, Saraakil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka Ethopia u aaday sidii uu uga qeyb-geli lahaa kulan loogu magac daray Tana Forum kaa soo sanad walba la qabto loogana hadlo qodob la xiriira arrimaha amaanka Africa .

” Xoojinta ganacsiga iyo Amniga labada dal ayaan sidookale kawada hadlaynaa madaxda dalka Ethopia, guul iyo kheyr baana rajaynayaa Puntland nabad-gelyo iyo horumar ayaana u rajaynayaa ” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdiga uu hogaaminayo ayaa maalmaha kooban ee ay ku sugan yahiin dalka Ethopia kulamo la qaadan doona madaxda dalkaasi kadibna waxaa ay dib ugu soo laaban doonaan dalka hadii Alle Idmo.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here