Magaca Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la isku raacay

11909

Iyadoo maalmahaan danbe magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socday shirweyne looga arinsanaayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ergada maamul usameynta labada gobol ay caawa isku raaceen in magaca cusub ee labada maamul uu noqdo HIIRSHABEELLE.

Ergada ayaa sidoo kale la sheegay in ay haatan ku howlan yihiin wax ka badalka Qabya Qoraalka Dastuurka iyo dhameestiirkiisu qodobada muhiimka ah ee la xiriiro ku dhawaaqista caasimada cusub ee dowlad goboleedka Hiiraan Iyo Shabeellaha Dhexe, astaanta iyo calanka maamulkaas lagu wado in uu yeesho.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here