Shaqsiyaad si been abuur ah u isticmaalayay magacyada Madaxda oo la shaaciyay

6710

Wasaaradda amniga gudaha ayaa maanta faah faahin ka bixisay labo koox oo baraha bulshada ku kulanto ku isticmaali jiray magacyada Madaxda Dowladda, kuwaasi oo bulshada u baahin jiray warar been abuur ah oo ay ka midtahay buun buunin kufsi haween loo geystay oo aan waxba ka jirin iyo kuwa kale.

Afhayeenka Wasaaradda amniga guddaha Maxamed Yuusuf Cisman oo Warbahinta Qaranka lahadley ayaa sharaxey waxyaabaha labadan Group ee ay hay’adaha amniga ee booliska iyo Nabad sugida dabagalka ku sameyeen ay kala yihiin, isagoo xusay in mid ka mid ah ay siyaabo qaldan u adeegsadaan cinwaanno lagu sameeyay magacyada Madaxda dowladda qaarkood iyo baraha bulshada oo la saarto sawirada Madaxda qaar kuwaasi oo wax aan jirin cinwaanadaasi u adeegsada, iyo Email-lo loo dira dowlado iyo hay’ado caalami ah.

Hay’adaha waxa ay soo ogaadeen shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada ee lagu aflagaadeynayo Madaxda dowaldda ilaa iyo hadda, hay’aduhu waxa ay ogaadeen IP address-yada laga isticmaalo cinwaanada aan kuu sheegay, telefanadooda,  dadkaasi ayaa kala ah, mid lagu magacaabo Cumar Xaayow Calas oo runtii ah ninka ugu horeeya ee ku shaqeysta blackmail, iyo sidoo kale nin la yiraahdo Cali Cabdi Wardheere “Cali yare” oo ka mid ah group-kaas kuwaasi oo ay ku socoto baaritaanno dheeraad ah iyo kuwa kale” ayuu yiri Afahyeenka Wasaaradda Amniga.

Afhayeenka ayaa xusay inay jiraan shaqsiyaad hay’adaha amniga ay  ku raad joogaan, kuwaasi oo uu xusay in goordhaw Warbaahinta loo soo bandhigi doono, marka gacanta lagu soo dhigo.

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here