Malaayiin Dollar oo loogu deeqy waxbarashada wadamada saboolka ah

0
1090

Dalka Senegal ayaa waxaa ku shirsan Madaxda Waxbarashadda dalalka caalamka, shirkaasi oo looga hadlaayo sidii loo horumarin lahaa waxbarashadda dalalka soo koraya ee Qaaradda Afrika.

Dowladda Dalka Ingiriiska ayaa ku dhawaaqday in ay  2.3 bilyan oo doolar ugu deeqay dalalka soo koraya si sare loogu qaado dhaqaalaha lagu bixiyo waxbarashada dalalka saboolka ah ee soo koraya.

Dadka soo qabanqaabiyay shirkaasi ayaa waxa ay sheegeen in kharashkaasi ay ku deeqeen wadammada deeqda bixiya uu yahay mid aad u sarreeya markii la barbar dhigo 1.3-da bilyan ee doolar ee waxbarashada lagu bixiyay saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Sidoo kale wakiladii ka socday wadamada soo kordaya ayaa dhankooda waxa ay ballan qaadeen inay kordhin doonaan lacagta ay ku bixiyaan waxbarashada caruurtooda sis are loogu qaado heerka nololeed ee bulshooyinka kunool Afrika.

Alice Albright oo ah Madaxa hay’adda caalamiga ah ee shirkaasi soo qabanqaabisay ayaa sheegtay in taageerada aan caadiga ahayn ay ka dhigan tahay in dhaqaalaha lagu caawin doono ku dhawaad sagaashan dal oo caalamka ku yaal,islamarkaana ay sidoo kale sheegtay in ay sii wadi doonaan Shirarka nuucaan oo kale ah.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here