Maleeshiyaad Al Shabaab ah oo lagu dilay Garbahaareey iyo Hub looga furtay Magaaladaas

Tiro ka mid ah Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa lagu dilay Gobolka Gado gaar ahaan magaalo Madaxda gobolkaas ee Garbahaareey.

Maleeshiyaad ka tirsan Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weerar ku qaadaan Magaalada Garbahaareey si-ay u dhibaateeyaan dadka shacabka ah kuwaas oo Sanado badan ku noolaay Nabad iyo Amni Wanaagsan.

Ciidanka Xoogga dalka oo kawar helay Qorshaha Argagaxisada Al Shabaab ayaa weerarkooda ka hortay kuwaas oo u geystay jab balaaran.

Ciidanka Malatariga ee ka howlgala Garbahaareey ayaa fashiliyey Qorshihii Kooxdaas kuwaas oo dagaal ay lagaleen Ciidanka Xoogga looga dilay Maleeshiyaad.

Saraakiisha Ciidanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in labo dhagarqabayaal Al Shabaab ah ku toogteen howlgalkooda, sidoo kalena ay ku furteen Hub badan oo Argagaxisadu wateen.

Dadka Magaalada ayaa sheegay in Saaka Xaaladdu mid caadi ah tahay aadna u dagan tahay iyadoona dadka deegaanka iyo Ciidanka ka dhaxeyso wadashaqeyn wanaagsan.

Maleeshiyaadka Al Shabaab ayaa dhowr mar oo hore sidaan oo kale isugu dayey inay weeraraan Fariisimada Ciidanka ee Magaaladaas  balse waxaa ay kala kulmeen jab xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here