Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inta u dhaxeyso deegaanada Boq-goosaar iyo Burdhe ee dhaca galbeedka magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan duqeyn lagula beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

 

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Gobolka, Hiiraan Ibraahim Maxamed, ayaa soo sheegaya in duqeynta lala bartilmaameedsaday saldhig ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Boq-goosaar,waxaana la soo sheegayaa iney jiraan khasaaro ba’an oo la gaarsiiyay argagixisada Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa deegaano badan ka saaray Kooxda Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda si dhuumaaleysi ah ugu nool dhulka howdka ah,waxaana socda qorshe maleeshiyadaasi looga xoreynayo guud ahaan dalka Soomaaliya.