Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Jubada Hoose

 Howlgal ka dhan ah maleeshiyada Alshabaab ayaa ka soconaya qeybo kamid ah Gobolka Jubada Hoose,kuwwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Darwiishta Jubbaland.

 

Howlgalkii ugu dambeeyey ayaa ciidamada fiidkii xalay waxaa ay ka fuliyeen deegaanada Buula Xaaji iyo Buundada Araare ee gobolkaasi Jubada Hoose,halkaasi oo ay ku dhuumaalaysanayeen maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab.

Saraakiil ka tirsan Jubbaland ayaa sheegay in ciidamadooda ay Araare iyo Muuse Xaaji inta u dhaxeysa ku weerareen koox kamid ah Argagixisadda Al-Shabaab oo is aruursanayay,waxaana uu xusay in Ciidanku ay dileen laba kamid ah maleeshiyada Alshabaab iyadoo goobta ay ka eryeen cadawga.

Alshabaab ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey la kulmayay weerar circa iyo dhulka oo kaga imaanayay ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah,kuwaasi oo khasaarooyin badan gaarsiiyay Alshabaab.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here