Maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo duqeymo lagu dilay

0
1660

Wararka ka imaanaya Degaanka Basra ee Gobolka Shabellaha Dhexe una dhexeeya Degmooyinka Balcad iyo Afgooye oo ka kala tirsan labada Shabeele  ayaa sheegaya in Diyaarad dagaal oo nuuca aan duuliyaha lahayn ay duqeysay goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan Alshabaab.

Taliyaha 12-April ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Cumar Xasan Adaadan(Cumardheere)  oo u warramayay Warbaahinta Qaranka ayaa xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu bartil maameedsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Alshabaab xili ay  halkaasi ku shirayeen.

Wariyaheena Maxmed Amiin Yabarow oo Jooga Balcad oo wareysi layeeshay dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ayaa sheegay in ilaa 13 qof oo katirsan maleeshiyaadkaasi ay ku dhinteen duqeyntaasi.

Deegaanka Barsa ayaa waxaa dhowr jeer ku dagaalamaya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Alshabaab,waxaana saraakiishu ay sheegayaan in ay wadaan qorshe Shabaab looga saarayo guud ahaan deegaanada ay ku sugan yihiin

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here