Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Qarxiyay Dhalinyaro kubad ciyaarayey.

2011

Qarax miino dhulka lagu aasay ah ayaa galabta ka dhacay garoon ku yaal Magaalada Baraawe oo  lagu ciyaarayey ciyaar kubada cagta ah oo sami-finaal ahayd.

Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in qaraxan ay ku dhinteen afar qof, sidoo kalena ay dhaawacmeen kudhawaad 10 kale, kuwaasoo la dhigay Isbitaalada Magaalada Baraawe.

Gudoomiyaha ayaa  sheegay Qaraxaan inay ka dambeeyaan Maleeshiyaadka Arxanka daran ee Al-Shabaab, isaga oo intaa raaciyay in Hay’adaha ammaanka ay ku daba jiraan Kooxdii falkan ka dambeeyay, ayna rajeynayaan inay gacanta ku soo dhigaan.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa si aan kala sooc lahayn dhibaato Xoogan ugu geysta shacabka Soomaaliyeed ayagoo fulinayo dano guracan isla markaana ka been sheegayo diinteena suuban ee Islaamka.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here