Maleeshiyaadka Shabaab oo dil naxariis darro ah ka geystay tuulada Biyo-caddo ee G/Sh/Dhexe

1
8252

Malleeshiyaadka Shabaab ayaa deegaanka Biya-Cadde ee Gobalka Shabeellaha Dhexe waxa ay si naxariis darro ah ugu dileen sadex nin kaddib markii ay habeennimadii xalay aqalkii ay daganaayeen ku dhex dileen Wiil, Aabihii iyo nin Oday ah oo reerkaasi Marti u ahaa.

Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Shabeellaha dhexe Mudane Axmed Meyri Makaraan oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, ayaa sheegay in ay gaareen tuulada uu xalay dilka ka dhacay si ay murugada iyo tiiraanyada ula qeybsadaan reerka dhibaatadu ku dhacday.

Mas’uulkan ayaa intaasi ku daray  in aysan ogeyn sababta ay u dileen Qoyskaasi, isagoo xusay iney baxsadeen maleeshiyaadki dilka geystay.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka iyo kan dagmada ayaa saakay gaaray deegaanka, iyagoo ka qeybqaadanaya Aaska sadaxda qof oo sida gardarada ah ay xalay u dileen maleeshiyaadka kooxda al-shabaab.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. inaa lilaaahi waa inaa ilayhi raajucuun ilahay ha unaxariisto
    dadkaas lagu dilay tuulada biyo cadeoo ka tirsan
    gobalka shabeelaha dhexe dadkii ay kadhinteen
    ilahay samir iyo ii man haka siiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here