Maleeshiyada Alshabaab oo isaga cararay degmada Xaradheere

1769

Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug ayaa Wararka Naga soo gaaraya waxa ay sheegayaa in Maleeshiyaadka Alshabaab ay isaga bexeen degmadaasi kadib markii ay sii kordheen howlgalada lagu beegsanayo koxdaasi ee ka socda deegaanada Gobolkaasi.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameeyey ayaa waxa ay ii xaqiijiyeen in Maleeshiyaadka Alshabaab ay halkaasi isaga bexeen,waxaana cidlo ah Saldhiga Degmada Xarunta Degmada iyo Goobo kale oo Argagixisada Fariisimo u ahaa in ka badan Toban Sano Dadka ayaana waxa ay sheegayaan in ay galeen Dhulka Howdka ah.

Ka bixitaan Maleeshiyaadku ka bexee Degmada xarar-dheere ayaa loo sababeeyey Laba Arimood kuwaa soo kala ah iyagoo aad ay u baqdin galisay Duqaymihii isdaba jooga ahaa ee lala beegsaday Kooxda iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo ku wajahan Aagaas taasina waxa ay sahashay in Maleeahiyaadka uu soo wajaho Qalqal xoogan kuwaa soo si indha la’aan ah uga firxaday Meelihii ay Sanadaha badan Dadka ku dhibaatayn jireen.

Dhinaca kale Maleeshiyaadka ayaa Xalay Qasaare lagu gaarsiiyey Duqayn lala beegsaday 48kii saacadood ee la soo daafay,kadib duqeymo lagula beegsaday qeybo kamid ah Deegaano hoostaga Degmada Xaradheere.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa maalmihii la soo dhaafay sii kordhiyay howlgalada isugu jira weerarada tooska ah iyo duqeynta xagga circa ah,taasi oo keentay in cabsi xoogan ay soo wajahdo koxda Alshabaab.

By: Mohamed Abdi Mohamed

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here