Malleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu laayay Shabeellada dhexe

Ugu yaraan 8 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lgu dilay, 9 kalana waa loogu dhaawacay dagaal ka dhacay degaanno hoostaga Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada dhexe, markii uu iska hor imaad dhex maray kooxda nabad-diidka iyo Ciidanka Macawisleeyda.

Dagaalka ayaa yimid markii ay Kooxda arxan laawayaasha Al-Shabaab Dad ka Af-duubteen isla markaana ay gubeen Tuulada Ceel Muluq oo hoos tagta Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Dadka ku dhaqan degaanka Ceel Muluq ayaa sheegaya in iska hor imaadkaasi uu Hal Nin ugu dhintay Ciidanka Macawisleeyda, mid kalana uu ugu dhaawacmay, halkaasna laga eryay kooxda Al-Shabaab oo markii hore ku tagay si dhuumaaleysi ah.

Sidoo kale, Dadka ayaa sheegaya in Macawisleydu ay Weerarka soo qaadeen, markii ay maqleen in ay Kooxda arxan laawayaashu gubeen Dadna ka qafaasheen Tuulo ay horay ugu eryeen argagixisada, iyagoo ka aargudanaya Shacabka maatida ah ee halkaasi ku dhaqan.

Waxaa isa soo taraya iska caabbinta ay Shacabku kaga hor tagayaan Kooxda hororka ah ee Al-Shabaab iyo fekerkooda gurracan, iyagoo ka dhiidhinaya dhaca, dilka, cadaadiska, cabsi gelinta, Askaraynta Carruurta iyo xasuuqa ay ku hayaan Ummada Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here