Manchester City oo laga diiday dalab ay ku doonneysay Miralem Pjanic.

757

Kooxda Juventus ayaa si rasmi waxa ay uga hortimid doonnistii Manchester City ee aadan Miralem Pjanic.

City ayaa suuqa ka raadineyso khad dhexe cusub, horay macallin Guardiola ayaa ugu hungoobbay laacibka Napoli ee Jorginho.

Naadiga ku guulleysatay horyaalka waddanka Ingiriiska ayaa la fahamsan yahay inay isku sii dayi doonto Pjanic, warsidaha Tuttosport ayaa soo warinayo Juventus inay diiday lacag dhan 50 milyan oo Euro.

Guradiola, ayaa muddo dheer waxa uu raadinayay beddelka 33-sanno jirka Fernandinho.

City, waxa weli dooqa koowaad u ah Jorginho oo ka tirsan naadiga Napoli, inkastoo ay ku jahwareereen soo iibsashadiisa.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here