Manchester City oo Soo Baxday iyo Kooxaha Bayern Munich,Barcelona,Chelsea,Schalke,Ajax iyo Athletic Bilbao oo Guulo Gaaray “Sawirro”

0
902

Group-E          

Kooxda Bayern Munich ayaa garoonkeeda Allianz Arena 3-0 uga badisay kooxda CSKA Moscow.

Kooxda Bayern Munich ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 18-aad ee ciyaarta gool rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Thomas Mueller,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

gool Muller pen penceleecaleee

Ciyaaryahan Sebastian Rode ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Rode goolceleee

Ciyaaryahan Mario Goetze ayaa goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Bayern Munich.

Kooxda Roma ayaa waxaa garoonkeeda Stadio Olimpico 2-0 uga badiyay kooxda Manchester City.

Ciyaaryahan Samir Nasri ayaa daqiiqadii 60-aad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Manchester City.

Samir goolnasri celeeceleeeeeeceleeSamir CeleeSamiir Celeee

Ciyaaryahan Pablo Zabaleta ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad ee guusha u dhaliyay kooxda Manchester City.

Pablo goolPablo celeecalee celee Manuel

Kooxda Manchester City oo uu hogaamiyo macalin Manuel Pellegrini ayaa markii u horeysay taariikhda u soo baxday wareega labaad ee koobka Champions League-ga.

Kooxda Bayern Munich ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka E,waxana ay uruursatay 15-dhibcood,halka kooxda Manchester City ay ku baxday kaalinta labaad,iyadoo ku soo baxday sideed dhibcood.

Kooxda Roma ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad ee Group-ka E,iyadoo ciyaari doonto koobka Europa League-ga.

Group-F

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou 3-1 uga badisay kooxda Paris Saint Germain.

Kooxda Paris Saint Germain ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii 15-aad ee ciyaarta u dhaliyay ciyaaryahan Zlatan Ibrahimovic.

CeleeZaltan celee ZaltanSad

Ciyaaryahan Lionel Messi ayaa daqiiqadii 19-aad ee ciyaarta gool barbardhac ah u dhaliyay kooxda Barcelona.

Messi gool Messi gooolMessi celeeMesi celee

Ciyaaryahan Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 75-aad ee koobka Champions League-ga.

Ciyaaryahan Neymar ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Barcelona,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Neymar goolNeymar gooolNeymar Celee Neymar Celeeee

Ciyaaryahan Luis Suarez ayaa daqiiqadii 77-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Barcelona.

Luis goolLuis CeleeLuis Ceeleeee

Kooxda Barcelona aya ku soo baxday kaalinta kowaad ee Group-ka F,ka dib markii ay ka badisay kooxda Paris Saint Germain oo hogaamineysay Group-ka.

Kooxda Ajax ayaa garoonkeeda Amsterdam Arena 4-0 uga badisay kooxda APOEL Nicosia.

Ciyaaryahan Lasse Schoene ayaa dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta goolka kowaad u dhaliyay kooxda Ajax,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Ciyaaryahan Lasse Schoene ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Ajax.

Ciyaaryahan Davy Klaassen ayaa daqiiqadii 53-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Ajax.

Ciyaaryahan Arkadiusz Milik ayaa daqiiqadii 74-aad ee ciyaarta goolka afaraad u dhaliyay kooxda Ajax.

Kooxda Barcelona ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka F,waxana ay uruursatay dhibco dhan 15-dhibcood,halka kooxda Paris Saint Germain ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo heshay 13-dhibcood.

Kooxda Ajax ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay ciyaari doontaa koobka Europa League-ga.

Group-G

Kooxda Chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge 3-1 uga badisay kooxda Sporting Lisbon.

Kooxda Chelsea ayaa goolka la hor martay,waxaana daqiiqadii sideedaad ee ciyaarta goolka rigoore ah u dhaliyay ciyaaryahan Cesc Fabregas.

Ceso PenCesco celee Cesco Celeeee

Ciyaaryahan Andre Schuerrle ayaa daqiiqadii 16-aad ee ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Chelsea,sidasi ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta.

Andre goolAndre celee

Ciyaaryahan Jonathan Cristian Silva ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta gool u dhaliyay kooxda Sporting Lisbon.

Silva goolSilva celeecele

Ciyaaryahan John Obi Mikel ayaa daqiiqadii 56-aad ee ciyaarta goolka sedaxaad u dhaliyay kooxda Chelsea.

Mikel gool

Kooxda Maribor ayaa waxaa garoonkeeda Ljudski Vrt 0-1 uga badiyay kooxda Schalke 04.

Ciyaaryahan Max Meyer ayaa daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay kooxda Schalke 04.

Kooxda Chelsea ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka G,waxana ay ku soo baxday dhibco dhan 14-dhibcood,halka kooxda Schalke 04 ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo heshay sideed dhibcood.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay ciyaari doontaa koobka Europa League-ga.

Group-H

Kooxda Athletic Bilbao ayaa garoonkeeda San Mamés Stadium 2-0 uga badisay kooxda BATE Borisov.

Ciyaaryahan Mikel San Jose aya bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka koowaad u dhaliyay kooxda Athletic Bilbao.

Ciyaaryahan Markel Susaeta Laskurain ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka labaad u dhaliyay kooxda Athletic Bilbao.

Kooxda FC Porto ayaa garoonkeeda Estádio do Dragão barbardhac 1-1 ah kula gashay kooxda Shakhtar Donetsk.

Ciyaaryahan Taras Stepanenko ayaa bilowgii qeybtii labaad ee ciyaarta goolka u dhaliyay kooxda Shakhtar Donetsk.

Ciyaaryahan Vincent Aboubakar ayaa dhamaadkii ciyaarta goolka barbardhaca u dhaliyay kooxda FC Porto.

Kooxda FC Porto ayaa ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka H,waxana ay ku soo baxday dhibco dhan 14-dhibcood,halka kooxda Shakhtar Donetsk ay ku soo baxday kaalinta labaad,iyadoo heshay 9-dhibcood.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa ku soo baxday kaalinta sedaxaad,waxana ay ciyaari doontaa koobka Europa League-ga.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here