Maraykanka oo ergey cusub u soo magaacabay Geeska Afrika

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, ayaa u magacaabay Jeffrey Feltman, inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika.

Blinken, ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “ Magacaabistan waxay hoosta ka xariiqeysaa sida ay maamulkeena ay uga go’an tahay inuu hoggaamiyo dadaallada Diblamaasiyadeed ee wax looga qabanayo xasaraddaha xiriirsan ee siyaasadda, amniga iyo bani’aadannimada ee Geeska Afrika.”

Feltman ayaa ah mas’uul xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Arrimaha Dibadda iyo waddame kale oo caalamka ka tirsan, isaga oo lagu tiriyo Dadka khibradda fiican u leh Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here