Mareykanka oo faah faahin ka bixiyay duqeymo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab

500

Africom War ka soo baxay taliska ciidamada Militariga Mareykanka ee Africom ayaa loog ahadlay howlgalkii ugu dambeeyay oo lagu bartilmaameedsaday maleeshiyaad ka tirsan koxda Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhanka acirka ah oo ka dhacday deegaanka Owdheegle lagu dilay ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyaadka Alshabaab,kadib markii la beegsaday labo xarumood oo dadka shacabka ah ay baada kaga qaadi jireen.

Howlgalka oo ay si wada jir ah u qaadeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibad acaalamiga ah ayaa dhacay xili habeen ah,waxaana Mareykanka uu sheegay in aysan jirin waxyeelo soo gaartay dad shacab ah.

Sidoo kale warbixinta waxaa lagu sheegay in lagu burburiyay waxyoobo qarxo oo ay Alshabaab gawaari ay ku diyaariyeen.

Bilihii ugu dambeeyey waxaa sii kordhayay weerarada ka dhanka ah maleeshiyaadka Alshabaab oo ku dhuumaalaysanaya qeybo kamid ah gobolada dalka,iyadoo horjoogayaal iyo saraakiil badan lagu khaarijiyay duqeymo iyo howlgalo toos ah oo lagu qaaday Alshabaab.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here