Markabkii Waday Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Oo Gaaray Boosaaso

0
2119

Markabka Dowladda Soomaaliya ay u dirtay in uu soo qaado Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen oo shalay ka soo shiraacday Dekeda magaalada Mukala ee Dalka Yemen ayaa soo gaaray xeebaha Boosaaso, taasi oo qeyb ka ah dadaalada Dowladda Soomaaliyeed ay mar walbo kula garab taagantahay muwaadiinteeda.

Markabka oo ay saaranyihiin dad aad u fara badan oo dhibaatooyin kale duwan yemen ku heystay kuwaa oo saameyn ku yeeshay dagaalada u dhexeeya Dowladda Yemen iyo kooxaha ka horjeeda, ayaa waxaa dadkaasi ay isugu jiraan haween,waayeel,caruur, iyo dhalinyaro oo ay ka muuqato diif sida wariyaheena Qeys Cali Shire oo qeyb ka ah kooxda markabka uu soo sheegayo.

Qunsulka Soomaaliya ee Dalka Yemen Axmed Suudaani oo qeyb ka ahaa mas’uuliyiinta maamulaya markabka ee dadkaasi ka soo qaaday Yemen oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay soo gaareen Xeebaha Boosaaso oo ay u muuqdaan leerarka magaalada laakiin mas’uuliyiinta maamulka Puntland ay u sheegeen in caawa aysan suura gal eheyn in markabka Dekeda Boosaaso uu ku soo xirto

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here