Marwada Madaxweynaha Dalka oo daahfurtay shirweyne looga hadlayo aayaha Haweenka “SAWIRRO”

Marwada Madaxwenaha Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin ayaa daah furtay shiwryne looga hadlayo aayaha haweenka, kaasi oo ujeedkiisu-yahay sidii loo diyaarin lahaa axdi Qarameed u gaar ah Haweenka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo bulshada oo ay u dhanyihiin haweenka Soomaaliyeed.

 

Shrika waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Guddomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddomiye ku xigenka 2aad ee Golaha Shacabka,  Wasiirka  Haweenka Xukuumadda Soomaaliya, Wasiirada dhallinyarada iyo Qorsheynta ee Dowlad gobaledyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya,  Guddomiyaha Gobalka Banaadir, guddomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, wafuud ka socta beesha calaamka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo ka hadashaay daruufaha heesto haweenka Soomaaliyeed ayaa bogaadisay in la xoojiyo shirarka looga tashanayo aayaha haweenka Soomaaliyeed.

Marwo Saynab ayaa ku dheeraatay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaateen dib u soo kabashada dalka kaddib burburkii dowladda dhexe, waxayna xustay in haweenku qayb libaaxle ka soo qaateen badbaadada dad iyo dalka Soomaaliyeed, iyada oo bogaadisay dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraa horumarinta qoysaskooda iyo guud ahaan qaranka Soomaaliyeed.

Marwada Madaxweynaha Dalka ayaa ku baaqday in haweenku ay ku dadaalaan midnimadooda iyo isku xirnaantooda si ay uga nabadgalaan tacaddiyada loo geysto, iyada oo bogaadisay kaalinta ay haweenka Soomaaliyeed kaga jiraan siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.

Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku-xigeenka  Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in loo baahanyahay in Haweenka Soomaaliyeed la siiyo fursado ay doorkooda kaga qaatan horumarka Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf ayaa sharaxday waxyaabahi u qabsoomay Wasaaradda Haweenka iyo Hiigsiga Mustaqbalka dhaw ee Horumarinta Doorka Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

Wasiirada Wasaaradaha Qorsheynta iyo Dhallinyaradda ee Dowlad Goboleedyada ayaa si wadajir ah uga codsay in la dadajiyo meel marinta sharciga ka dhanka ah xadgudubyada loo geysto haweenka Soomaaliyeed.

Shirweynahaan ayaa socon doono muddo saddax cisho, isla markaana laga soo saari doono warmurtiyeed ku aadan Xuquuqda Haweenka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here