Marwo Khadar Bashir Cali Oo Maanta Kormeertay Qaar Kamid Ah Iskuulada Muqdisho (Sawirro)

1
3333

 

Drs Khadar Bashiir Cali  Wasiiradka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha
iyo Tacliinta Sare ayaa maanta booqatay Iskuulada Dowladda ee lacag
la’aanta gaar ahaan Iskuulka 11 Janaayo oo ku yaalo Degmada
Cabdicaziis ee Magaalada Muqdisho, waxeyna soo indha indheysay qaabka
Waxbarashada ay u socoto iyadoo si toos ah Su’aalo mid mid u
weydiineysay Ardayda Fasalada ku jirtay.

Marwo Khadar ayaa si aad ah ugu farxday qaabka Waxbarashada ay u socoto,
waxeyna booqashadeeda ku dhiira galineysay Waxbarashada Bilaashka ah
ee loo simanyahay.

Wasiiraka ayaa sheegtay ineyn kor u qaadi doonaan tayada Iskuulada
dowladda islamarkaana sanadkaan laga qaadi doono dalka oo dhan Imtixaan
Qaran,Waxayna Hadlkeeda ku dartay in Ubadka Soomaaliyeed ee wax ku baranaya dalkooda sida
kuwaan oo kale ay mudanyihiin in la dhiiragaliyo oo laga taageero
sidii kor loogu qaadi lahaa aqoontooda.

Sidoo kale Wasiirada ayaa xustay in Wasaaradda Waxbarshada ay ka
go’antahay soo nooleynta iyo xoojinta Iskuulada Dowladda si Caruurta Soomaaliyeed u helaan  Waxbarsho lacag la’aan ah waayo waxey tiri  Waxbarashada lacag la’aanta ah waa loo simanyahay oo
ma lahan kala sareyn, soo celinteedana dalka iyo dadka ayey faa’iido u
tahay.

Ugu danbeyntii Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulada Dowlada ayaa u
mahadnaqay Wasiirada Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta
sare booqashada ay ku tagtay Iskuulada taas oo ay ku dhiira galineyso
Waxbarashada loo simanyahay ee bilaashka ah.

DSC_0592 (1) DSC_0592 DSC_0604 DSC_0611 (1) DSC_0611 DSC_0621 DSC_0628 DSC_0641 DSC_0646 DSC_0672 DSC_0673 DSC_0691 (1) DSC_0691 DSC_0701 DSC_0705 DSC_0821

 

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. Aad u fiican oo waxtar leh.
    Marka si loo joogteeyo loona hagaajiyo fadlan,
    Fadlan, Hubi in macalimmintu xuquuqdiooda helaan iyo inay tayo u leeyihiin inay hawshaan qabtaan xuquuqdaana helaan iiyo in si hagaagsan loo soo xulay iyo inay tababar dheeraad ah helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here