Masar oo xabsiga kasii deysay weriyaal ku eedeysnaa faafinta warar been abuur ah

Dowladda Masar ayaa subaxnimadii maanta xabsiga kasii deysay weriyaal hore loogu soo eedeeyay faafinta warar been abuur ah iyo ku biiridda kooxo dalkaas ka mamnuuc ah.

Weriyaasha lasoo daayay ayaa kala ah  Islaam Al-Kalhi, Xasan Al-Qabbaani iyo Mustafa Saqar.

Warabaahinta dalka Masar ayaa sidoo kale sheegtay in lasoo daayay isla maanta saxafiga caanka ah ee Kaalid Daa’uud

Weriyaashaan lasoo daayay ayaa la kala xiray sanadihii 2019 iyo 2020-ka, waxaana lagu eedeeyay inay faafiyeen warbixino ka dhan ah amniga dalka.

Dowladda Masar ayaa ku jirta dowladaha ku calaamadeysan ku xad gudbidda weriyaasha iyo siyaasiyiinta mucaardka  ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here