Danjiraha Shiinaha u fadhiya Soomaaliya iyo wasiiru dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku sii Sagootiyay Arday Soomaaliyeed oo Deeq waxbarasho ka heshay dalka China
Safiirka Shiinaha ayaa sheegay in tacliinta sare ay tahay mid aad muhiim ugu ah horumarinta kaabayaasha dhaqale ee Bulshada iyo Tignoolajiyadda .
Danjiraha ayaa intaasi raaciyay in xariirka Soomaaliya iyo Shiinaha uu yahay mid qoto dheer sidaasi darteedna uu dalkiisu sii xoojinayo xiriirkaasi, isagoo tilmaamay in Shiinuhu uu gacan weyn ka geeysandoono horumainta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tibaaxay in sanadkan dawlada Shiinaha ay Deeq Waxbarasho oo Lacag la’aan ah ay siisay 42 arday oo Soomaali ah kuwaas oo ku guulaystay deeqda waxbarashada oo Dawlada Soomaaliya ay ka heshay dalka China.
Dhinaca Kale Wasiiru dawlaha Wasaaradda waxbarshada iyo Tacliinta Sare C/laahi Bile Nuur ayaa uga Mahadceliyay Dawlada Shiinaha taageerada waxbarasho ee Dawlada Shiinaha ay sanad walba siiso ardayda Soomaaliyeed, waxaa uu ugu baaqay dhalinyada heshay Fursadaasi Waxbarsho inay ilaaliyaan Sumcadda iyo sharafka Dalkooda
Deeqdan waxbarasho way xay soo kordinayso malahan
oo AY soomalia usoo kordinayso maxaayeelay
Sanad walba soomalia waxay heshaa deeq waxbarasho
hase yeeshee deeqdan wax barasho loogama faideeyo
dadkii an awoodin in ay waxbarsho sare iska bixiyan
oo dugsi sare kabaxay oo diyarsan oo dhisan
oo hadoow dalkooda wax utari lahaa iyo dadkooda
lkn waxaa deeqdan mar walba ama sanad walba
gacanta loo galiyaa madaxda dowlada kuwas
oon si cadalad ah usoo bandhigin dhalinta
soomaliyed si ay imtixan ugu galan waxaa lagu
viala soomali iyo meela lamid ah waxan ka faa idayesya
kali ah cunug abihiis yahay xildhiman yahay ama wasiir
ama taliye laa luush bixiye oo waliba an primary kasoo bixin
saecondryna haba sheegin kas waxna masoo baranayo dal iyo
dad midna wax ma uqabanayo