Mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda waxbarashada dalka oo Adis ababa uga qeyb galaya shir muhiim ah.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya wasaaradaha waxbarshada heer Federaal, heer dowlad Gobaleed iyo Gobalka Benaadir, waxaana xoogga lagu saarayaa shirkaasi Horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri .

Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Adis Ababa in uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono masuuliyiinta shikaasi kasoo qaybgalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here