Maxaa loola jeedaa Jihaad, dagaallada Soomaaliya ka socdase Jihaad ma lagu tilmaami karaa?

7159

 

Jihaadku waxa uu leeyahay macne ka qara weyn dagaalka.

Marka la soo hadal qaado Jihaad, durbadiiba waxaa dad badan maskaxdooda ku soo dhacaya dagaal hubeysan oo u dhexeeya gaalo iyo muslimiin.

Dalal badan oo caalamka ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay , waxaa ka jira dhaqdhaqaaqyo hubeysan oo sheegta in ay Jihaad ku jiraan, kuwaas oo magaca diinta iyo Jihaadka ku geystay gabood fallo faro badan, kuna daadiyay dhiigga biri-mageydada, haba ugu badnaadeen dadka Muslimiinta ah.

Haddaba waa maxay macnaha dhabta ah ee Jihaadka?  Immisa qeybood ayuu u qeybsamaa? dagaallada Soomaaliya ka socda ma lagu tilmaami karaa Jihaad?  Alshabaab ma yihiin Mujaahidiin ? Su’aalahaas iyo kuwo kale waxaan kaga jawaabi dooonnaa  Barnaamijka Tubta Toosan oo uu marti noogu yahay  Sheikh Cali Sheikh Maxamuud Sheikh Cali Dheere

Did you like this? Share it:

5 COMMENTS

  1. UGUS waxa ay wadaan waa shirqool loo Dan leeyahay ummadda soomaaliyeed inaanay marnaba nabad helin,intay dhallinyaro yar-yar oo aan diinta islaamka wax ka aqoon been u sheegaan halaag iyo aduun Seeg , aakhira Seeg u hor-seedaan.
    UGUS waxay wadaan waa gumaad ka baxsan diin iyo dadnimaba,waxaa jihaad ku jira waa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee geesiyaasha ah oo har iyo habeenba hor taagan shirqoolka ay wadaan mujrimiinta al-shayaadiin . Guushuna waxay ku dambeyn mujaahidiinta xogga dalka soomaaliyeed iyo ummadda soomaaliyeed ee nabadda jecel.

  2. Alshabab jihaad ma.hayan lkin dawladu wax ma.barato miyaa wa qadar ale intii dhimatay lkin kuwa joga ha dadalan si ay cadawga uga bad badaan oo habeen iyo malinba ha shaqeyan

  3. ugus waxoodu waa gumaad iyo naceep islaamnimo diinto lagu qaraabtiyo qiyaamo diin waa qoo dhunsano dhalinyaro caamo ah dabka kushideenoo hal doorki bulshada iyo culumada masajida lagu dilayiyo ma waxasay jihaad ka dhigayaan alle idin dulleeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeeee

  4. horumarka wadanka ayeey kasoo horjeedaan nimankan jaahiliinta ah ee lagu magacaabo ugus, war carab been ayeey iin sheegeen waxmagaratayahay carab waxay ka soo hor jeedaan horu marka afrika oo dhulkooda waxba kama baxaan , oo ayaga ayaa diinta ku dagaalsan oo shiico iyo suni u kala goa,n, horumarka biniaadanka ayeey carabi ka soo horjeedaan , laakiin nabsiga ayaa ka soo baxay oo way is baabi,iyeen , soomaaliyeey cadawgiina waa carab oo wax magaratadiinii ayeey yiraahdeen walaalkaa dil janno ayaad kuu waajibtay, iyaga may aadaan jannada , soomaaliyeey beeraha fasha dhulkiina waa barwaaqo baahida waa laga baxaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here