Maxaad ka taqaan Taariikhda Madaxweynihii hore ee Cuba  Fidel  Castro oo geeriyooday?

Telefishinka dowladda Cuba ayaa shaaciyay in hogaamiyihii hore ee dalka Cuba Fidel Castro oo loo yaqaanay aabihii kacaanka Kuba uu geeriyooday wuxuu ahaa 90 jir .

Walaalkiis Raúl Castro oo hadda Xukunka dalkaasi Cuba haya ayaa shalay Galab shaaca ka qaaday geerida Walaalkiisa Fidel  Castro, wuxuuna intaa raaciyay in la gubi doono meydka Castro iyadoo la fulanayo  dardaarakiisa.

Dadwynaha  ku nool Caasimadda dalka Cuba ee Havana ayaa aad uga tiiraanyooday markii ay maqleen geerida hogaamiyahooda  Fidel Castaro, halka tiro dad ah oo ku nool magaalada Mayami ee Gobolka Florida dalka Mareykanka ay aad ugu farxeen geerida hogaamiyahaasi  xukumayay dalka cuba muddo Nus Qarni ka badan.
Geeriga Madaxweynihii hore ee dalka cuba ayaa ku soo beegantay iyadoo dalka Cuba muddo Saddex bilood ah loogu dabaaldagayay Sanadguuradii 90-naad ee  ka soo wareegtay dhalshada Fidel Castaro.

Magaciisa oo buuxa waa Fidel Alejandro Castro Ruz.  wuxuu dhashay sannadkii 1926-kii bishii sideedaad. Wuxuu ku dhasahy magaalada la yiraahdo, Las Manacas,. Aabihii oo la oran jiray Angel Castro wuxuu lahaa beer weyn oo laga beero sonkor khaanka ( sugar cane) oo ahayd 23 kun oo Higtar.
Fidel wuxuu ku dhashay gobol sabool ah kamana jirin waxbarasho, adeeg caafimaad iyo mid shaqo. Laakiin Fidel wuxuu noqday shakhsi nasiib leh.Aabihii Angel Castro wuxuu ka soo tahriibay dalka isbayn sannadkii 1905-kii. Wax aqoon ahna ma uusan lahayn. Xitaa magaciisa ma qori jirin.

Laakiin dadaal badan ka dib wuxuu noqday nin hanti badan leh. Fidel hooyadii waxa la oran jiray Lina. Waxay walaalo ahaayeen Toddoba caruur ah oo kala ah:   Angela, Romon, Fidel, Juan, Raul, Emma iyo Augustina. Fidel waxa dugsiga la geeyay isagoo afar sanno jiray. Yaraantiisi wuxuu ahaa arday dagaal fara badan.Sannadkii 1942-kii ayuu galay dugsiga sare oo la yiraa Jesuit school oo ku yaal caasimada Cuba ee  Havana. Maadaama ku soo baraaray beeraley rabshad badan waxa loogu yeeri arday jabhadeed. Wuxuu jaamacada ka baranayey sharciga.Sannadkii 1945-kii oo ahayd wakhtigii uu jaamacada ku jiray wuxuu aad uga doodi jiray siyaasada.Sannadkii 1947-kii wuxuu ku biiray koox ka koobnayd 1200 oo hubaysan kuwaasi oo ku kacsanaa dalka Dominican. Laakiin markii dambe wuu ka baxay.Sannadkii 1948-kii wuxuu guursaday Mirta Balart, waxay ahayd ardayad dhigta Jaamacada Havana.Sannadkii 1949-kii waxa u dhashay ilmihii ugu horeeyey, oo loo bixiyey Fidelito.Sannadkii 1950-kii ayuu ka qalin jabiyey jaamacadii. Ka dib wuxuu bilaabay inuu taageero dadka masaakiinta ah ee dalka kuuba. Dawladii wakhtigaasi dalka ka talinaysay ayaa noqotay mid musuqmaasuq badan. Waxaana hogaamiye ka ahaa dalka Madaxweyne Batista. Fidel ayaa Xabsi loo taxaabay.

Sannadkii 1953-kii ayuu Fidel iyo 100 dagaalyahan weerareen magaallo ku taalla cuba, ka dib ciidankii cuba ayaa cagta mariyey weerarkii lagu soo qaaday, Fidel Castro waa la qabtay. Xabsi ayaa loo taxaabay, waxaana loo mastaafuriyey dalka Mexico.

Sannadkii 1955-kii ayuu dalka Mexico ka sameeyey koox kacaan ah.

Sannadkii 1957-kii wuxuu soo qaaday weeraro ku-dhufo ka-dhaqaaq ah, oo uu kaga soo horjeeday Madaxweyne Batista.

Sannadkii 1957-kii ayuu dalka Cuba inqilaabay, waxaana la shaqaynayey koox saraakiil sare ah oo ciidamada ka tirsan. Wuxuu ahaa inqilaab aan dhiig ku daadan.

Sannadkii 1960-kii ayuu Fidel Castro la kulmay Madaxweynihii Midowga Soofidka ee la oran jiray Khrushchev. Intaasi ka dib wuxuu xiriir dhaw la yeeshay midowgii soofiyadka. Isla sannadaasi ayuu Mareykanku cunoqabatayn ku soo rogay.

Sannadkii 1961-kii ayuu Fidel si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu shuuciyada aaminsan yahay.

Sannadihii 1965 ilaa 1979 Fidel wuxuu ku mashquulsanaa sidii uu shuuciyada ugu fidin lahaa dalal ka tirsan qaarada afrika.

Sannadkii 1987-kii ayuu Fidel heshiis dhinaca socdaalka la saxeexday Mareykanka.

Sannadkii 1998-kii Qaramada Midoobay ayaa cunaqabatayntii ka qaaday dalka Cuba.

Sannadkii 2000 dalka Cuba wuxuu galay hoos-u-dhac dhaqaale, waxaanu Fidel Castro xiriir la yeeshay dalka Venezuelan, waxayna kala saxeexdeen heshiis dhinaca dhaqaalaha ah.

Sannadkii 2004 ilaa 2006-dii ayuu dalka Venezuelan siiyey Cuba 53 kun iyo sagaashan foosto oo shidaal ah, taasi bedelkeeda Cuba ayaa bixisay afartan kun ilaa labaatan kun oo dawooyin caafimaad ah. Arrintani Fidel Castro waxay ka caawisay in warshadaha dalka u helo shidaal.

Sannadkii 2006 ilaa 2008-dii ayuu Fidel Castro wareejiyey xilal badan oo u hayey. Sida Madaxweynaha golaha qaranka, guddoomiyaha golaha wasiirada, xoghayaha kowaad ee xisbiga shuuciga, taliyaha guud ee ciidanka, wuxuu ku wareejiyey walaalkii oo Hadda dalka Cuba Madaxweyne ka ah Raul Castro. Sababta ayaa lagu sheegay inuu xanuun weyn ka hayo caloosha iyo mindhicirka mana awoodi karo inuu xilalkan sii hayn karo.

Dabayaaqadii 2008-kii ayuu Fidel Castro noqday hawlgab waxaanu ku jiray dhakhtar lagu dawaynayo.

Sannadkii 2010-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee muuqiisa la arko Fidel Castro, isagoo laga waraysanayo Tilifishan.

Sannadkii 2011-kii ayuu si rasmi ah isaga casilay hogaamiyihii xisbiga shuuciga, waxaana qabtay walaalkii Raul Castro.

Shakhsiyada Fidel castro.

Fidel Castro wuxuu ahaa ahaa nin dheer, qurux badan oo isku kalsoon. Wuxuu inta badan xiran jiray suud buluug ah. Waa nin Xanaaq badan, uma dulqaato wixii la soo darsa. Xitaa khaladka ugu yari.

Wuxuu caan ku ahaa dhaar iyo caro wada socota. Waa nin leh laba sifo oo aad u kala fog, mar waa qof dhaqan fiican oo si heer sare ah dadka u qaabila, marna waa qof dabeecad qalafsan si aan haboonayn dadka ula hadla.

Waa qof u shaqeeya si aan caadi ahayn, markuu shaqo weyn hayo wuxuu shaqeeyaa afartan saacadood oo xiriir ah, wuxuu yara qaataa xoogaa nasasho ah oo keliya.

01-fidel-castro-ruz-e1287005997684

SONNA/Mukhtaar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here