MAXAY KU SALEYSAN TAHAY XUSKA MAALINTA WARFAAFINTA SOOMAALIYEED EE 21 JANNAAYO

Af Soomaaligu wuxuu ka mid yahay luuqadaha Geeska Afrika looga hadlo kuwa dadka ugu tirada badan ay ku hadlaan. Dadka Soomaaliyeed ee ku hadlana waxay ku dhaqan yihiin deegaan ballaaran oo u dhexeeya gacanka Tojorra ilaa iyo webiga Tana ee Waqooyiga Kenya.

Inkastoo af Soomaaligu ay ku hadlaan dad tiradaas lehi ee ku baahsan dhulka baaxadaas leh, haddana qoraal rasmi ah oo ay dadka Soomaalidu ku dhaqmaan ma jirin. Muddadii intaas ka horreysay qoraallada ay dadweynaha Soomaaliyeed ku wada xiriiri jireen waxay ahaayeen luqadaha Carabiga, Ingiriisiga iyo Talyaaniga.

Bishii Oktoobar 21keedii, sannad guuradii saddexaad ee Kacaankii Oktoobar sanadkii 1972kii ayuu Guddoomiyihii Golihii Sare ee Kacaanka Jaalle Maxamed Siyaad Barre ku dhawaaqey go’aanka ah in farta Laatiinka loo isticmaali doono qoraalka farta Soomaaliga, iyadoo wax yar oo isbeddel ah lagu sameeyey nidaamka erayada loo kala qeybinayo.

Bishii Jannaayo 21keedii 1973dii, sanad kaddib markii lagu dhawaaqay qoraalka afka Soomaaliga ayay ahayd markii ugu horreysay ee uu dalka ka soo baxo wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, maalintaasaana loo asteeyay iney noqoto maalinta warfaafinta Soomaaliyeed.

Wargeyskii xiddigta Oktoobar oo ku qoran af Soomaali ayaa subaxdaas lagu waabariistay iyaodoo farxad darteed qof walba uu sito nuqul ka mid ah wargeyskaas. Ma rabo inaan taariikhda dheer ee qoraalka iyo wargeysayada Soomaaliya hadda u guda galo, hase ahaatee wargeyska Xidigta Oktoobar oo maalintaas ku soo baxay af Soomaali, wuxuu ku soo bixi jiray afafka Taliyaaniga iyo Ingiriisiga, waxaana soo saari jirtay wasaaradda warfaafinta.

Wargeyskan kahor intaan lagu qorin Af Soomaaliga waxaa la dhihi jiray Stella d`Ottobre waxaana la soo saaray markii uu curtay Kacaankii Oktoobar 1969kii, wuxuuna ku ekaa 1973dii markii magaciisa laga dhigay Xiddigta Oktoobar af Soomaalina lagu qoray. Wargeyskan wuxuu lahaa qayb Ingiriisi ah oo ay isku mar soo wada baxeen 1969kii, hase ahaatee sanad kaddib istaagay 1970ki. Wargeyskan inta uusan Kacaanku la wareegin waxaa la dhihi jiray Corriera della Somaliya wuxuuna ku soo bixi jiray afka Taliyaaniga, wuxuuna soo bilaabmay 1950kii, wuxuuna socday ilaa 1969kii ee uu Kacaanku la wareegay.

Markii haddaba uu bilowday wargeys ku hadla afka Soomaaliga ayaa waxaa iyana kordhay dadkii wax ku qorayay af Soomaaliga. Taasina waxay keentay inuu kobco af Soomaaligii oo ay soo baxaan ereyo badan oo loo adeegsado xafiisyada, dugisyada iyo Warbaahinta. Warbaahintu waxay u ahayd macallin bulshada, waxay mar walba soo saareysay ereyo af Soomaali ah oo loo adeegsado dhinacyo badan ee nolosha ah.

Ereyadii waagaas ay warfaafintu sameysayna ilaa iyo maanta waa kuwa loo adeegsado warbaahinta. Waxaase nasiib darro ah in markii uu Kacaankii meesha ka baxay uu afkii agoontoobay, siina kori waayay, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay daryeel la`i qabsatay afkii iyo qoraalkiisii oo waayay cid halkii ka sii qaadda.

Dhallinyaradii ku soo biirtay warbaahintana ay waayeen daliil amaba hage u horseeda una tilmaama adeegsiga iyo higaadda afka Soomaaliga. Taasina waxay keentay in qof walbaa siduu rabo uu wax u qorto, uguna hadlo. Waxaa sii lumay heerkii afka iyo qoraalkiisa, walow imin dhow ay bilaabmeen ururro iskood isu xilqaamay oo ku baraarugay iney tahay muhiim in wax laga qabto afka iyo qoraalkiisa.

Waxaase nasiib darro ah, dhallinyaradii saxaafadda meheradda ka dhigtay oo aan u soo jeedin iney hagaajiyaan aqoontooda afka iyo qoraalka Soomaaliga oo sidey rabaan wax u jacburiya, iskuna dayeyn xataa iney wax kororsadaan. Sidaas darteed waxaan rabaa inaan u sheego waayeelka warfaafinta Soomaaliyeed iyo qalinleyda aqoonta fiican iyo khibradda u leh afkan iney u huraan waqtina siiyaan dhallinyarada meherdleyda ah ee doonaya iney wax qoraan iney waqtigooda wax ka siiyaan oo ay tababarro u furaan, dhallinyaradana ay ka faaiideystaan oo ay iyaguna waqti siiyaan waa haddii ay doonayaan iney meheraddan ku shaqeeyaan bulshadana anfacaan.

21-ka Janaayo 1973-kii waa maalintii ugu horreysay ee uu soo baxo Wargeys ku qoran Afka Soomaaliga, 6-dii aroornimo ee maalintaasi ayaa laga dhaqangaliyay Xafiisyada Dawladda in lagu shaqeeyo Qoris iyo akhrisba, iyadoo lagu dhawaaqay in la hirgaliyo Farta Soomaaliga 21-kii Oktoobar 1972-kii, tan iyo waqtigaasi, waxay Wasaaradda Warfaafinta 21-ka Janaayo ee sanad kasta u aheyd maalin ay u dabaaldegto, kuna soo bandhigaan waxqabadka Hey’adahooda, sidaasi darted anagoo xuseyna maalintaa waxaan halkaan ku soo bandhigayaa Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed iyo heerarkii ay soo martay.

Taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed marka laga hadlaayo waxaa loo qeybin karaa 4 heer ama marxaladood, waxayna kala yihiin:-
1. Xilligii Xorriyadda ka hor 1930 ilaa iyo 1960-kii.
2. Xilligii Dowladihii Rayidka 1960-kii ilaa iyo 1969-kii.
3. Xilligii Dowladdii Millitariga 1969-kii ilaa iyo 1990-ii.
4. Iyo marxaladdii bur-burka dalka ka dib.

(1). Xilliggii Xorriyadda ka hor: Saxaafaddu waxay ka bilaabatay meel Eber ah, sababtoo ah ma jirin Dad aqoon iyo xirfad u leh Cilmiga Saxaafadda iyo waxtarkeeda, balse waxaa soo baxay Dad kooban, kuwaasi oo ka dhiidhiyay falalka gumeystayaasha Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaaniga ay ku hayeen Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed, waxaana Magaalada Jabuuti markii ugu horreysay 1933-kii laga soo saaray Wargeys la magic baxay Codka Shaqaalaha, kaasi oo xambaarsanaa ficillo wata farriimo Xornimo doon ah, waase la xiray markii dambe, wuxuuna gumeysigu u arkay in isaga lagu kicinayo Dadkii uu gumeysanayay.

Sidoo Magaalada Hargeysa waxaa ka soo if baxay 1936-kii Wargeys kale oo lagu magacaabi jiray (Af Soomaal),kaasi oo lagu daabici jiray Magaalada Cadan ee Dalka Yemen, halkaasi oo ay degenaayeen Dad Soomaaliyeed oo si toos ah ugu xiran dhaqdhaqaaqyadii Xornimo doo nee ka socday Dhulka Soomaalida oo dhan, balse gumeysigii Ingriiska markii uu arkay saameynta Wargeyskaasi ku yeeshay Dadka ku nool Gobolada Waqooyi, waxa uu amray in si dhaqso loo xiro Wargeyskaasi, uuna soo galin Gobolada uu gumeysto, hase ahaatee taasi ma noqon mid joojisa Wargeyskii iyo dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka ee shacahka wada saameeyay, waana sii xoogeystay ilaa ay is raacaan 2-dii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960-kii.

Dhinaca kale, aas-aaskii Ururkii SYL, 15 May 1943-kii ka abuurmay Magaalada Muqdisho, wuxuu isna billaabay soo saarista Wargeys la magic baxay (Al-Wuxda), kaasi oo xariir la lahaa dhaqdhqaaqyadii ka socday Magaalooyinka Jabuuti iyo Hargeysa oo si qarsoodi ah Wargeysyo uga soo bixi jireen.

Haddaba Saxaafadda Soomaliyeed ee waqtigaasi waxay ahaayeen kuwo iftiin u ah Xorriyaddii la qaatay 1960-kii iyo aas-aaskii Saxaafadda, Raggii aas-aaska u dhigay Saxaafadda Soomaaliyeed waxaa hormuud u ahaa:-

  1. Maxamuud Jaamac Uur-doox, oo ahaa Ninkii ugu horreeyay oo Hargeysa ka soo saaray Wargeys 1935-kii.
    Xaaji Cabdi Ducaale, waa Ninkii ugu horreeyay ee ka hadla Idaacadda Hargeysa 1943-kii.
    3. Soogare Maxamed Cadde oo ahaa Ninikii ugu horreeyay ee Filim qaade ka noqda Muqdisho 1947-kii.
    4. Xuseen Cabdi Farmashiye waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqisho ka noqda Sawir qaade 1950-kii.
    5. Aaden Isaaq Timacade, waa Ninkii ugu horreeyay ee Muqdisho ka noqda Sawir-gacmeed sameeye (Artiste) 1950-kii.
    6. Daahir Ibrahim Cabdi waa Ninkii ugu horreeyay ee keensada Madbacad wax lagu daabaco 1952-kii.

Raggani waxay mudan yihiin in ay xasuusta ku hayaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee maanta jooga, kuna daydaan dadaalkii naf hurnimo ee ay soo galeen aas-aaska Saxaafadda Soomaaliyeed.
Wargeysyadii Dalka ka soo bixi jiray Xorriyadda ka hor:-

  1. Somali Journal—- Dowli ——-1950 ilaa 1960-kii.
    Al-Liwaa ——— gaar ah —–1958 ilaa 1960-kii.
    3. Qarni Afriqiya —–SNL ———1957 ilaa 1960-kii.
    4. Al-Wuxda —–SYL ———-1957 ilaa 1960-kii.
    5. War Somali side –Dowli Ingiris -1953 ilaa 1960-kii.
    6. Corriere del Somalia-Dowli Talyaani-1950 ilaa 1960-kii.
    7. Al-Sariixa ———– Gaar———–1957 ilaa 1960-kii.

(2). Xilligii Dawladda Rayadka 1960-1969-kii.

Markii Xorriyadda la qaatay durbadiiba waxaa furmay xorriiyaddii hadalka, waxaaa abuurmay Wargeysyo badan oo si furan u hadli jiray, kuwaasi oo ku soo bixi jiray Afaf kala duwan sida:-Carabi, Ingriis iyo Talyaani, hase yeeshee waxaa meesha ka maqneyd tirade Dadka Soomaaliyeed eek a faaideysan kartay, sababtoo ah Dadkeennu inta waxbaratay aad iyo aad ayay u yareyd.

Dhinaca kale waxaa Dalka ka jiray 2- Idaacadood oo kala ahaa:- Raadiyo Hargeysa oo la furay 1943-kii, xilligii Gumeysiga Ingiriiska iyo Raadiyo Muqdisho oo la furay 1951-kii xilligii Gumeysiga Talyaaniga oo Maxmiyad ku haystay Gobolada Koofureed, waxaana Labadaasi Idaacadood Maamulkooda gacanta ku hayay Xukuumaddii Rayadka ee Soomaaliya, kadiba waxaa ku soo biiray oo la unkay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA, oo la aas-aasay 5-tii Janaayo 1964-kii, iyadoo hoos imaanaysay Wasaaradda warfaafinta, sida Labada Idaacadood.

Wargeysyadii soo bixi jiray Xilligii Dawladdii Rayadka 1960-1969-kii.
1. Corriere Del Somalo Dawli 1960-1969. Maalinle.
2. Sowtu Soomaal Dowli 1960-1969. Maalinle.
3. Somali News Dawli 1960-1969. Maalinle.
4. Somali review Dawli 1964-1967. 3 Biloodle.
5. Li Oriente Gaar 1967-1069. Todobaadle.
6. La Tripuna Gaar 1967-1969. Bille.
7. Kifaax Xisbiga SDU 1963-1964. Todobaadle.
8. Itixaad Al-shacab SDU 1964-1968. Toddobaadle.
9. Al-Waxda Xisbiga SYL 1957-1969. Toddobaadle.
10. Al-Xaqiiqa SYL 1965-1969. Toddobaadle.
11. Al-shacab Gaar 1967-1969. Toddobaadle.
12. Dalka Gaar 1968-1969. Bille.
13. Al-Jihaad Gaar 1968-1969. Toddobaadle.

Taariikhda Saxaafadda waxay xilligaasi ku soo beegantay Maamul-millitari, waxaana ugu horreyntii la joojiyay Xorriyaddii hadalka, sidoo kalana waxaa la xiray qeybihii Saxaafadda gaarka ahaa, inta aan ka aheyn Wargeysyada faafiya siyaasadda Kacaanka iyo labada Idaacadood ee Raadiyo Muqdisho iyo Raadiyo Hargeysa oo horayba Dawladdu gacanta ugu haysay.

In kastoo Dawladdii Militariga xirtay dhammaan Saxaafaddii gaarka ahayd, hadana waxaa guul weyn u aheyd taariikhda Saxaafadda Soomaaliyeed, waayo waxa ay hirgalisay:-

  1. Hirgalintii qoraalka Farta Soomaaliga 21-kii Janaayo 1973-kii, waana markii ugu horreysay ee uu soo baxay Wargeys Afka Soomaaliga ku qoran, loona aqoonsaday inay noqoto maalinta Saxaaafadda Soomaaliyeed.
    Abuuridda Machadka Tababarka Saxaafadda 1976-kii.
    3. Dhismihii Kulliyadda Saxaafadda 1980-kii.
    4. Furitaanka TV-ga Qaranka Soomaaliyeed 1983-kii.

Horumarka Saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa fure u ahaa qoritaankii Farta Soomaaliga, taasoo dhaxalsiisay inay noqoto mid ay ka faa’ideystaan Dadka Soomaaliyeed oo dhan Miyi iyo Magaalaba, oo markii hore ku ekaa dhageysiga Idaacadaha, kuwaasi oo bartay akhriska iyo qorista intaba, tanina waa guul u soo hoyatay Saxaafadda Soomaaliyed iyo shacabkaba.

Marxaladdii (4-aad). Bur-burkii Dawladdii dhexe kadib.

Xilligaasi waxay Saxaafadda Soomaaliyeed ku soo beegantay waqti aan Dawlad dhexe oo xooggan aysan Dalka ka jirin, waxay ku soo beegantay Qaran bur-buray iyo Bulsho Bahaloowday oo aan kala gar qaadanayn, eed joogta ah oo la xariirta qoraalada shalay iyo manta, qoraaladooda oo ay markasta macaamiishu dhaliilsan yihiin.

Dhinaca kale waxay Saxaafaddu la soo kulmeen adeegsiga farsamooyin casri ah ee loo adeegsado Saxasafadda, taasoo ay nasiib u yeesheen inay si fudud uga faa’iideystaan farsamadaasi, waxase jirta in howlaha Saxaafaddu ay tahay arrin u baahan xeelad iyo xirfad aqoon Saxaafadeed, dhaliishu ma reebana balse dhib abuurista ayaa ka daran dhaliil yar oo laga indho qabsan karo oo si kam ah ama aqoon darro ku dhacday, si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in Saxaafaddu ka shaqeyso horumarinta danaha guud ee Dalka iyo Bulshada, oo dan gaar ah ka leexin danihii guud ee Dalka iyo Dadkaba.

Marxaladaan Saxaafadda Soomaaliyeed way ka baxday farsamo ahaan iyo tiro ahaan, waxaa abuurmay Wargeysyo farabadan, Idaacado iyo T.V-yo Madax banana oo gaar loo leeyahay, balse waxay dhibtu ka jirtaa xagga tayada aqoonta Suxufiyiinta Da’da yar oo hadda Saxaafadda ku soo biiray oo aan laheyn khibrad Xirfadeed Saxaafadeed oo sax ah laakiin ay niyad ka tahay howshooda iyo horumarinta Dalkooda iyo Dadkooda, waxay u baahan yihiin rag khibrad Saxaafadeed leh oo deggan wax u bara oo had iyo jeer ku dhex jira, si loo helo Saxaafad u adeegta danta guud ee Bulshada Soomaaliyeed ee Maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here