Maxkamad Ciidanka oo maanta siday xukuno kala duwan

0
1363

Guddoomiyaha Maxkmadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Cabdicasiis Cabdullaahi Xasan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa u fadhiisatay dhegeysiga dacwad ciqaabeed loo heystay eedeysane Dable xoogga Cabdishakuur Cilmi oo 23 sano jir ah , waxaana eedesahan uu fal dil ah u geystay nin lagu magacaabi jiray Aadan Cismaan Mursal kana tirsanaa ciidanka Boliiska Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dood dheer kadib waxaa ay xukun dil toogasho ah ku riday eedesanae Cabdishakuur inkastoo markii racfaan uu qaatay ka dib la go’aamiyay in Diyo ay bixiyaan Eheladiisa isagana xoriyadii la siiyay, sidoo kale Maxkamadda ayaa waxaa ay dhegeysatay dawac ciqaabeed loo heystay labo eedeysane oo xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ay ku soo oogtay dambi ah sii deyn maxbuus waxayna Maxkamadu ku xukuntay min Sedax sano oo xarig ah.

Sidoo kale Maxkamdda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay dib u dhigtay eedesane loo heystay dil iyo Al-shabaabnimo kaas oo guddomiyuhu dib u dhista dacawadiisa uusan sheegin.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here