Maxkamadda ciidamada oo dil ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dilay taliyihii nabadsugidda G/Sh/dhexe+Sawirro

5377

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii dilay taliyihii ciidanka nabadsugidda ee gobolka Sh/dhexe.

Saraakiisha maxkamadda ciidamada oo shalay gaaray magaalada Jowhar, ayaa isla maantaba bilaabay dhageysiga dacwadda afar askari oo loo haysto dilki Taliyaha.

Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) oo ah ninki dilay taliyaha kaddib markuu uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu si bareer ah uu u toogtay taliyihii ciidamada nabadsuggida marxuum C/weli Ibraahim.

Saddexda eedeysane oo kale ayaa labo ka mid ah waxaa lagu xukumay min labo sano iyo lix bilood oo xabsi ciidan ah, halka midka kalena maxkamada ay sii deysay markii dambi lagu waayay.

Gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen “Madoobe” ayaa maalin ka hor gurigiisa ku dilay taliyihii nabadsugidda ee gobolka Sh/dhexe.

xuku_6 xuku_3 xuku_1 xuku_2 xuku_4

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. MAXKAMDA CIDAMADA WAA MAHADSANTAHEY JAWABA TA DAGDAGA SIDO KALE MANTA NIMANKII LAYEY DADKI MASKINTA AHAA SALDHIGA DAGMADA KAARAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here