Maxkamadda Ciidanka qalabka sida  oo xukun ku fulisay gacan ku dhiigle ka tirsanaa UGUS                                                      

0
1197

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle ka tirsanaa kooxda nabad diidka ah ee UGUS kaas oo lagu magacaabi jirey Siraaji C/laahi Cumar oo kooxda UGUS dhexdeeda loogu yeeri jirey Hanad.

Ninkan saaka xukunka lagu fuliyay ayaa weerar ku soo qaaday xarunta Madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ee magaalada Baydhabo, isagoo wata gaari lagu soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana weerarkaasi ku geeriyootay saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .

15/04/2015 ayaa Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya waxaa ay xukun dil ah ku riday iyadoo maantana xukunkaasi lagu fuliyay.

Ciidamo ka tirsan xoogda dalka, Boliiska iyo Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa fagaare ku yaala magaalada Baydhabo ku fuliyay xukunka toogashada ah.

Goobta xukunkan lagu fuliyay ayaa waxaa joogay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya gaashaanle sare Liibaan Cali Yaow, gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute, Taliyaha qeybta 60 aad ee ciidanka xooga dalka Soomaaliya Janaraal Ibraahim Yarow iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur galeed ee dalka.

Sida uu sharciga qabo waxaa meydka la wareegay dowladda hoose ee magaalada Baydhabo, ayaga ayaana aasi doona.

Maanta ayaa waxaa la filayaa in maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u fadhiisato dacwad ciqaabeed loo heysto eedeysanayaal kala duwan oo ku jira xabsiga magaalada Baydhabo.

Waa xukunkii ugu horeeyay oo maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay ku fuliso magaalada Baydhabo, waxaana mas’uuliyiinta maxkamadda ciidanka qalabka sida inta ay joogaan magaalada Baydhabo ay wayigelin u sameyn ciidanka qalabka sida ee deegaanadaasi ku sugan.

 

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here