Maxkamadda CQS oo xukun dil ah ku riday rag ka tirsan kooxda UGUS”SAWIRRO”

0
3243

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay xukun dil ah ku riday labo eedeysane oo xafiiska Xeer ilaalinta ay ku soo eedeyeen in ay ka tirsanaayeen Koooxda nabad diidka ah ee UGUS isla markaana ay ka dambeeyeen dilal loo geystay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo shacabka.

labada eedeysane ee maanta ay xukuntay Maxkamadda Ciidanka qalabka ayaa waxaa ay kala ahaayeen Shuceyb Ibraahim Mahdi  oo 37 sano jir ah iyo Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ah kuwaas oo xeer ilaalnta Maxkamadda ay ku soo eedeysay in aya k wada tirsanaayeen Kooxda Nabad diidka ah ee UGUS.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidanka qalabka sida  ayaa ku eedeysay raggan maanta la xukumay in ay dileen:-

Ex-Xildhibaan Saado  Cali Warsame

Ex-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd

Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”

Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka.

Maxamed Axmed Maxamed “ Qaanuuni” oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya  Gaashaanle Xasan Cali Shuute oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxkamadda ay ku xukuntay labadan nin dil toogasho ah.

vlcsnap-2015-04-06-13h29m58s127 vlcsnap-2015-04-06-13h30m19s82 vlcsnap-2015-04-06-13h30m30s187 vlcsnap-2015-04-06-13h30m48s124 vlcsnap-2015-04-06-13h30m59s225 vlcsnap-2015-04-06-13h31m56s57

 

Waa qalabkii lagu soo qabtay raggan maanta la xumay waxaana ay isugu jiraan Jaakado, Boorsooyin iyo hub aad u badan.

vlcsnap-2015-04-06-14h24m24s48vlcsnap-2015-04-06-14h21m33s133vlcsnap-2015-04-06-14h22m02s164vlcsnap-2015-04-06-14h23m08s56vlcsnap-2015-04-06-14h23m19s165vlcsnap-2015-04-06-14h23m48s208vlcsnap-2015-04-06-14h23m53s253vlcsnap-2015-04-06-14h24m13s198vlcsnap-2015-04-06-14h24m20s12

 

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here