Maxkamadda Gobolka Banaadir oo billowday dhageysiga dacwad ka dhan ah Muwaaddin u dhashay Dalka Ingiriiska

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo billowday dhageysiga dacwad ka dhan ah muwaadin u dhashay Dalka Ingiriiska oo loo haysto qalqal gelinta amniga Garoonka Aadan Cadde.

Andrew Braian Irlam ,oo u dhashay Dalka Ingiriiska ayaa loo haystaa in uu Agab Ciidan ka dhoofin rabay Gegida Diyaaradaha ayaa Shalay lasoo taagay Maxkamadda Gobalka Banaadir

Ciidamada ilaalada Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa soo bandhigay 7 Khasnadood iyo Jaakadaha anay Xabbaddu Karin oo ay 6-dii Bishan ku heleen eedeysanaha, xilli uu u safrayay Dalka Imaaraadka Carabta,

Muuse Macallin Maxamed, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay in dhageysiga Kiiska loo haysto  Andrew Braian, dib laysugu soo laaban doono qeybta Labaad ee Dacwadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here