Maxkamadda ICJ oo markale bilowday dhageysiga dacwadda baddeenna ee ay Kenya muranka gelisay

Ergada Soomaaliya ku matalaya dhageysiga dacwadda badda Soomaaliya ee ay Kenya muranka gelisay oo uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa markale gudaha u galay xarunta maxkamadda cadaaladda adduunka, halkaasi oo maalinta labaad ka soconeysa dhageysiga kiiska badda.

“Waxaanu maalinta labaad gudaha u galnay Guriga Nabadda ee Maxkamadda Cadaaladda Adduunka oo ay ka socoto dhagaysiga kiiska baddeena ee inagala dhaxeeya Kenya”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here