Meydka AUN Janaraal Samatar oo laga soo dejiyay Muqdisho

0
6692

Maanta ayaa sida uu qorshuhu yahay waxaa magaalada Muqdisho aas qaran loogu sameyn doonaa AUN sareeyo guud Maxamed Cali Samatar oo dhowaan ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Virginia ee dalka Mareykanka.

Wariye Ibraahim Guudle oo ka tirsan warbaahinta qaranka oo garoonka duyuuradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo caga dhigatay duyuuradda Turkish Airlines oo sidda meydka AUN janaraalka, iyadoo garoonka ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ehelada janaraal Maxamed Cali Samatar.

Cutubyo ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya oo ay kamid yihiin kooxda Bambayda  ayaa sidoo kale garoonka duyuuradaha ee Aadan Cadde ku sugan.

Aaska sareeyo guud Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qeybgali doona madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayo ciidamo aad u feejigan oo sugaya amniga.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here