Miino Al-shabaab ay galiyeen Wadada xiriirisa Yoontooy iyo dalcadda Lug-Law oo la fashiliyey

593

Ciidmada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa fashiliyay miino ay al shabaab galiyeen wadada u dhaxeeyso Yoontooy iyo dalacadda Lug-Law, miinadaan ayaana al shabaab waxa ay doonayeen in ay ku waxyeeleeyaan dadka rayidka ah ee isticimaalayay wadadaasi.

 

Afhayeenka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland Mudane Saciid Cabdi Daahir Joogsade oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ciidanka ay qabteen howla muhiim ah loona baahanyahay in la bad baadiyo shacabka Soomaaliyeed

Dhanka kale afhayeenka ayaa sheegay in ciidanka fashiliyay miinadaani ay abaal marin doonaan maadaama uu sheegay in ay qabteen howlo wanaagsan.

Mudooyinkaan danbe ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa waday dar-dar gelinta amaanka guud ee degaanada xorta ah ee Jubbaland.

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here