Mshruuc lagu horumarinayo kalluumeysatada oo maanta laga hirgeliyay xeebaha Muqdisho

1748

Mashruuc loogu talagalay kalluumeeysatada iney si fudud ugu jillaabtaan ayaa laga hirgeliyay xeebaha maagalada Muqdisho.

Mashruucaanfad  oo ah qalab badda la dhigayo islamarkaaana kalluunka isugu keenaya meel ay si fudud uga soo jillaban karaan kalluumaysatada ayaa laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho gaar ahaan Liido, Geel Liq iyo Jasiira.

Fulinta iyo hirgalinta mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda kallumaysiga iyo qayraadka badda iyo hay’adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan horumarinta cuntada iyo beeraha ee FAO, ujeeddada mashruucan waa waa sidii loo horumarin lahaa  wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ku xigeenkiisa, agaasimaha guud ee wasaradda wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa furitaanka mashruucan maanta laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho.

Qalabkan waxaa dhigay xeebaha markab  ay dusha ka ilaalinayeen dooman  ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ka socda Midowga Yurub.

Maxamed Cumar Caymooy wasiirka kaallumaysiga iyo kheyraadka badda oo warbaahinta kula hadlay markab dushiisa ayaa sheegay in mashruucan uu faa’iido badan u leeyahay kalluumeystada ka jilaabata xeebaha Muqdisho.

Wasiirkan ayaa xusay in mashruucan la gaarsiin doono dhamaan xeebaha dalkeena oo dhan si ay kalluumeysatada ugu fududaato soo saaridda kalluun farabadan isagoo tilmaamay in qalabkani uu kalluunka isugu keenyo meel ay si fudud uga soo qabsan karaan kalluumeysatada.

Did you like this? Share it:

1 COMMENT

  1. waa horumar weyn oo lagu farxo talaabadaan ay qaaday wasaarada kaluumaysiga waana ku mahadsanyahay wasiir caymooy dadaalkaan ow muujiyay inta yar ee ow masuulka ahaay.
    waxaa jirto arrin waxku ool ah oo dowladu hadeey ku dhaqaaqdo noqonaayo horumar dhaqaale oo dowlada iyo shacabkuba kawada faa,iideysankaraan.
    waa in la sameeyo warshad kaluun dowladu maanta waa itaal yartahay laakiin waa in dowladu ku dhawaaqdo in ay iyada iyo tujaarta soomaaliyeed inti diyaar u ah isla sameeyaan mashruuca wershad kaluun ah oo dhaqaalaheeda ay wada yeeshaan wasaarada kaluunka iyo tujaarta soomaaliyeed taasi waxeey noqo doontaa dhaqaale culus oo qasnada dowlada ku soo dhacdo ayna dowladu ku horumarinkarto dhaqaalaha wadanka.waxaa kaloo ka faa,iideysankaro tujaarteena xoolaha ku yahsato dibadaha iyo kuwa wadanka labadaba waxaa kaloo faa,iido wayni ugu jirtaa dhalinyaradeena shaqo la,aantu hayso,
    waxaa kaloo baaqanlahaa xoolaha dibada looga keeno kaluunka gasaceysan oo xoolo badani ku baxaan,waxaa kaloo taas sii dheer in kaluunkeenu ow nooga caafimaad badnaan lahaa kan dibadaha laga keeno waayo wax aad cunto waxaa ugu caafimaad badan waxa wadankaada ka soo baxo, dowladu waa ineey arrintaas ku dadaasho waayo malayga badan ee la soo saari doono hadaan loo helin warshad sameyso iyo suuqgeyn caalami ah dadaalkaasi waxoow noqodoonaa mid kala dhiman, marka waxsoosaar badan,warshadeyn, iyo waliba suuqgeyn waa dadaal aan kala maarmin waana in arrintaas ay ka qayb qaataan inteena qibrada uleh arrintaas iyo waliba hadii dibada looga baahdo quburo ajanabi ah si looga qibro qaato.
    ,
    dowladu waa ineey ku dadaasho ineey sameysato shaqo abuur nafteeda ah iyo mid shacabkeedaba ah taasina waxeey ku imaankartaa in la sameeyo warshado yaryar illaa laga gaaro in la sameeyo kuwo waaweyn oo caalamka la tartami karo, ma aha shardi in la sameeyo warshad weyn oo dhaqaale badan ku baxaan halagu bilaabo warshad yar iyadaana is gaarsiin karto in berri loo badalo mid weyn waayo waxyaabaha la warshadeynaayo dhamaantood wadankeena ayeey ka soo baxayaan taasina waa mid aan uga duwan nahay dowlado badan oo waxyaabaha ay warshadeeyaan dibadaha ka keeno.
    waxaan illaaheey ka rajeynayaa in aan aragno anagoo ka maarmano kaalmo shisheeye oo wadankeenu gaaro isku filnaan iyo inoow isagu kaalmo bixiyo inshaa allaah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here