Munaasabad lagu daah furayay xarun caafimaad oo Maanta lagu qabtay Degmada Caabudwaaq+Sawirro

Maamulka Caafimaadka Gobolka Galgaduud iyo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka Degmada Caabuudwaaq ayaa a maanta si wadajira ah u daah fureeen Mashruuc Caafimaadka  hooyada, dhallaanka  iyo bulshada kale loogu tala galay in ay si wada jira ugu ah faa’iido.

Mashruucan  oo ah mid ay  Wsaaradda  Caafimaadka  ugu talagashay bulshada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qayb  qaatay Hay’ada UNFPA iyo hay’ada IMC oo ah mida mashruucan ka fulinaysa Degmada.

Munaasabad loogu tala galay in bulshada loogu wargaliyo furitaanka mashruucan oo maanta ka dhacday degmada Cabuudwaaq ayaa waxaa ka soo qayb galay xubno ka socday Maamulka degmada ee DF, Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dawlad Goboleedka Galmudug waxaana halkaasi ugu horayn ka hadlay Gudoomiyaha Cafimaadka Degmada ahna Gudoomiye ku xigeenka Caafimaadka Gobolka Mahad Xasan Raage.

“Barnamijkaan aan maanta Furayno waxaa uu Guul u yahay Deegaanka iyo Bay’ada hada aan joogno Qaas ahaan Degmadaan Caabudwaaq markii aan shaqadaan bilownay ma jirin adeeg Caafimaad oo  shacabku ay u wada siman yihiin oo lacag la’aana awal waxaa jiray in dadku aysan wada awoodi Karin waxaana uu mashruucani guul u yahay hooyada iyo dhalaan keena”

C/fitaax Maxamed Cabdi oo ah madaxa Hay’ada IMC ee Fulinaysa Maashruucan iyo Xildhibaan  Bashiir Diiriye Shariif oo ka tirsan Mudanayaaasha Baarlamaanka Galmudug ayaa ugu Baaqay bulshada inay ka faa’iidaystaan Mashrrucan.

“ Mashuucaan waxaa keenay oo u fududeeyay bulshada deegaanka iy0o Degmadaan Wasaarada Caafimaadka DF iyo Hay’adaha UNFPA iyo Hay’ada IMC waxaana uu ahaa mid loo baahnaa oo aan mudo ay sugayeen dadka degmadaan anaguna aan daba soconay markii codsiga dwaynaha aan helnay”

C/laahi Basaawayne  oo kamdi ahaa Xubnihii u hadlay Bulshada ayaa soo dhaweeyay Mashuucaan waxaana uu sheegay qiimaha uuu leeyahay Dadka iyo deegaanka.

Ugu Dambay Madaxa Arimaha Bulshada e maamulka Degmada ee DF Qaliif Cabdi samad ayaa  sheegay in mashruucan uu dan u yahay deegaanka loona baahan yahay in laga qayb qaato habkii degmada ay u heli lahayd.

DSCN4174 (1) DSCN4180 DSCN4184 DSCN4187 DSCN4188 DSCN4191 DSCN4195 DSCN4196 DSCN4197 DSCN4199 DSCN4200 (1) DSCN4200 DSCN4215 DSCN4224 DSCN4235

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here