Munaasabad lagu sagootinayay Ambaasadoor Cali Ameeriko oo lagu qabtay magaalada Nairobi (Sawiro)

0
1670

Munaasabad si weyn loo soo agaasimay laguna sagootinayay Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa lagu qabtay magaalada Nairobi ee xarrunta dalka Kenya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiirro hore, Siyaasiyiin, Waxgarad, Culimaa’udiin, Haween iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dastuurka Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil kana tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay waxqabadkii danjire Cali Ameeriko mudadii uu hayay xilka Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo sheegay in taariikhdu ay xusi doonto safiirka.

Sidoo kale Siyaasiga, Al Xaaji Muuse Suudi Yalaxoow oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ayaa bogaadiyay danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko, waxaana uu u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Intii ay socotay xafladda ayaa goobta lagu soo bandhigay warbixin ka hadlaysay waxqabadka danjire Cali Ameeriko iyo taariikh nololeedkiisa,  Heeso wadani ah, Gabayo iyo Buraanburo lagu ammaanayay danjiraha.

Ugu dambeyn waxaa xafladda soo xiray safiirkii hore ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) isagoo u mahadceliyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in shaqada lagu aammanay uusan kaligiis qaban, balse ay la soo qabteen dhammaan shaqaalaha safaaradda.

Danjire Ameeriko ayaa shaqaalaha Safaaradda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan Safiirka cusub oo uu u rajeeyay in shaqadiisa uu ilaahay u fududeeyo.

20150412_134922 20150412_135121 20150412_153854 20150412_153941 20150412_160103 20150412_160138 20150412_160237 20150412_161819 20150412_163023 20150412_165723 20150412_171008

W/D: Cumar Caaqil

 

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here