Munaasabad lagu xusayay dhalashada nabigeenna Muxamad NNKH oo lagu qabtay Magaalada Tromsø ee Woqooyiga Norway-Sawirro

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu xusayay dhalashada nabigeenna muxamad N.N.K.H ayaa caawa lagu qabtay masjidka Al.Raxma ee magaakada Tromsø ee Woqooyiga Norway.

Munaasabaddan oo ay soo qabanqaabiyeen culumaaudiinka ku nool magaalada Tromsø ayaa waxaa si wayn uga soo qeyb galay dad aad u farabadan oo kamid ah muslimiinta ku nool magaalada iyo tuulooyinka ku dhow magaalada waxaana munaasabadda lagu soo bandhigay muxaadarooyin diini ah oo u badnaa fadliga ay leedahay xurmeynta iyo weyneenta  bisha mowliid oo ah xilligii uu dhashay nabigeenna Muxamad SCW.

Culumaaudiinkii goobta ka hadlay oo ay kamid ahaayeen macalim maxamed Axmed iyo Macalim Saalax ayaa sidoo kale ku guubaabiyey ummada soomaaliyeed iyo dadkii kale ee kasoo qeybgalay in muhim ay tahay in lagu daydo sunnada nabigeenna suubban oo aad loo xuso maalinta uu dhashay taasoo muujinaysa jaceylka ay dadkiisa u qabaan rasuulka SCW.

Waxa sidoo kale ay culumada aqriyeen taariikhdii nabigeenna csws iyo doorka qofka muslimka ah looga baahanyahay fidinta diinta islaamka oo ah diin nabadeed.

Waxayna munaasabadii kusoo idlaatay si wanaagsan.

Bisha mowliid sanad kasta waxaa dunida laga xusaa xilligii uu dhashay nabigeenna suubban Muxamad csw waxaana ay dadweynaha muslimiinta ah ay iyagoo faraxsan isugu soo baxaan masaajidada iyo goobo kale oo loo asteeyey in lagu xuso 12ka bisha mowliid.

?
?
?
?
?
?

20151224_205431 20151224_205519

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here