Munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka oo lagu qabtay Muqdisho+Sawirro

2425

Munaasabadan lagu xusayay maalinta nabada caalamka oo loo asteyay 21 septaber. ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.waxana ka qeybgalay masulayin ka tirsan dowlada somaaliya .uraradda dhalinyarada ka jira dalka iyo marti sharaf kale,

Inta ay socatay munaasabadda  waxaa heeso iyo ruwaado ka hadlaya qiimaha ay leeyahay nabada ku soo bandhigay kooxda barbaarta waarari

Gudoomiyaha Urarka dhalinyarada gobolka Banaadir  Maxamed Kaafi Makaraan, ayaa sheegay in dalka uu soo maray maraxalado kala duwan balse haatan uu ka soo agabanayo burburkii dagaallada

“Maanta wa maalin aad u wayn loogana hadlayo maalinta aduunka mudanna in laga hadlo dalkeena marka laga hadlayo waxaa uu soo maray xalado kala duwan sida aan ogsoonaahy in wadanka uu soo kabanayo” ayuu yiri

Gudoomiyaha  xidlhibaanada dhalinyarada baarlamaanka Soomaaliya Maxmaed Amiin Xasan Cabdulaahi.ayaa sheegay maalinta ay aduunka oo dhan ay qiimo uga fadhisyo isla markaana tilmaamay in  nabada  ay tahay  nolosha oo dhan.

Wasiir ku_xigeenka Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane  Cusmaan Aadan Dhuuboow. ayaa tilmaamay in aduunka oo dhan maalinta  ay ahmiyad wayn uga fadhiso isgoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeyn nabada oo  qiimo wanaagsan u leh nolasha.

“Aduunyada  sida ay u wada qaateen in maalinta ay tahay in la ilaaliyo xaquuqda  iyo laga shaqeeyo daganaanshada wadanka  in si wadajir ah lagu noolaado, aniga waxaan tagay meelo  kala duwan dalka,  waxaana ka muuqatay qiimaha ay leeyahay nabada marka aan u istaago  ilaalinta nabada”, ayuu yiri wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaradaha.

IMG_0580 IMG_0587 IMG_0593 IMG_0595 IMG_0600 IMG_0601 IMG_0602 IMG_0609 IMG_0611 IMG_0612 IMG_0613 IMG_0616 IMG_0618 IMG_0636 IMG_0638 IMG_0645 IMG_0662 IMG_0664 IMG_0665 IMG_0670 IMG_0673 IMG_0691 IMG_0692 IMG_0694 IMG_0699 IMG_0704 IMG_0708 IMG_0709 IMG_0715

Did you like this? Share it:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here